Uncategorized

General Morgan oo loogaga guuleystey doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Garowe

iftineducation.com – Wararka ka imanaya magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in doorashadii Aqalka Sare loogaga guuleystey General Maxamed Siciid Xirsi Morgan kadib markii musharixii la tartamayay Bootaan Barre Samatar uu helay 38 cod halka uu General Maxaed Siciid Xirsi Morgan uu ka helay 27 cod.General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa si aad ah loogaga cabsi qabay in uu ku guuleysto doorashadan waxaana soo baxayay cabsi ay ka muujinayeen wadamada caalamka iyo qaramada Midoobay.


Dhowaan ayaa wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  waxa uu codsaday in laga saaro liiska musharixiinta ragga hore ugaga soo qeybqaatay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya.


llaa 26 Musharax ayaa u tartamayay Musharaxiinta Aqalka sare ee Puntland, iyadoo laga doonayo 11 xubnood, waxaana tartankan laga yaabaa inuu dheeraado oo uu waqti qaato.





Puntland ayaa waxaa u matalaya Aqalka sare 11 xubnood, waxaana ay ku biireysaa Maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo soo dhameystiray Wakiilada u matalaya Aqalka sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *