Uncategorized

galmada uur qaadista

iftineducation.com Haddii ay ahaan laheyd ugxanta haweeneyda oo bacrimin weysa lagana helo hoormoonkla loo yaqaano  (POS), Speermaha oo aad u yardaada, bacrimin la’áan aan la sharxin iyo arrimo kale oo badan ayaa dadka ku qasba goáanno wadna jebis ah oo ay hantidooda ku bixiyaan bacriminta lagu sameeyo sheybaarka ee loo yaqaano (INV), amaba in ay ka quustaan guud ahaan riyooyinkoodii ahaa in ay nolol qoys oo wada jir ah sameeyaan.



Hab cusub ayaase dunida ku soo kordhay oo lagu magacaabo ’’ kaasoo la sheegayo inuu abuurayo natiijo muddo 24 usbuuc ah gudaheed.


Hab daweedkan cusub ayaa diiradda saaraya inuu ka qaado maanka ama maskaxda caqabadaha ka hor iman kara in haweeneydu uureysato amaba uu yareynayaa cadaadiska Hoormoonka loo yaqaano kortisal, Hoormoonkan ayaa xukuma hab dhiska karbohydrateka siina kordhiya cadaadiska dhiigga, wuxuuna hor istaagaa hab sami socodka uureysiga.


Sidoo kale hagaajinta xaaladda maskaxeed ee bukaanka. Daweyntani ayaa saacida ama kor u qaadaysa muuqaalka caafimaad ee qofka, waxuuna abuuraa jawi wanaagsan oo sahli kara in haweeneydu uureysato.


Waxaa barnaamijkan hal abuuray, Dr Michael Arnold. Barnaamijkan ayaa dhamaantis ah wax dabiici ah, marka loo eego Dr Arnold oo isagu ka helay heerka guusha barnaamijka tiro u dhaxaysa 66 ilaa 77% taasoo ku xiran sababta bacrimin laáanta uu ka hadlay.


Baaritaan kale oo uu sameeyey Dr Michael Arnold iyo kooxdiisa ayaa helay in 75% lamaanaha ku dhaqaaqay tallaabadan daweynta 20 jeer muddo lix bilood ay gaareen guulo xagga uureysiga la xiriira marka la barbardhigo 32.3% bacriminta sheybaarka INV loo yaqaano.


Dhowr Hab Uu Ka Hadlay Dr Michael Arnold.


· SAMEE GALMO SAX AH


Cilmi baaris ayaa muujineysa in lammaanaha sameeya galmada saxda ah ( Ugu yaraan 3 jeer usbuucii) ay laba laabi karaan fursadaha ay u heystaan in uureysi ka dhex dhaco. Lammaanaha galmda sameeya xilliga ugxantu dibadda u soo baxeyso ugxan sidaha ayey waqti dheer ku qaadataa uureysiga.


BIYO BADAN CAB


Cabidda biyaha ayaa qayb fiican ka qaadata qulqulka dhiigga, waxa ayna kaa saacidaan in si wacan u shaqeeyaan unugyadaada, isku xiraan una shaqeeyaan si wada jir ah, waxeyna markaa kaalin mug leh ka qaataan bacriminta. Cab ugu yaraan 1.5 litir biyo ah maalinti oo fiiltareysan.


Kaadidaadu waxey noqoneysaa jaalle khafiif ah. Tani waxey ka hortageysaa iney isu yimaadaan waxyaabaha wasaqda ee aan loo baahneyn taasoo kuu horseedi karta tabardarri , cadaadis, waxeyna joojisaa dhaqdhaqaaqa xubnaha kala goysyada jirka,cunaha, dhiigga,xubnaha jirka oo dhan iyo dareemayaasha.


SUBAX WALBA CUNTEEY INTA U DHEXEYSA 7:00am-9:00AM


Xubnaha qaar ee jirka aadanaha waxey leeyihiin xilli ay shaqadooda ugu sarreysa qabtaan. Caloosha waa xilliga ay shaqadeeda ugu badani qabsato subax walba 7da ilaa 9ka.Xilligan jirku waxuu aad ugu heellan yahay inuu qaato nafaqooyinka waxtarka leh.


Haddii sidan aadan sameyn,ma awoodi kartid in aad maalinti gelinkeeda dambe qaadato quraac wanaagsan.


Sidoo kale caloosha ayaa active ah ama u diyaar ah shaqo inta u dhaxeysa 7ilaa 9ka fiidnimo, sidaa darteed waa xilliga ugu xun ee cunto culus aad qaadato. Marka dadku ay yiraahdaan quraacdu waa cuntada ugu mihiimsan maahan iney kaftamayaan ee waa dhab.


Si aad u kordhiso qaadashada nafada waxa aad raacdaan oraahda dheheysa “Quraacdu waa Boqor,Qadadu Waa Amiir, Cashaduna waa Maskiin (waxba heysan).


HUBI INAAD TAHAY RUUX HURDA XILLIGA 11:00PM EE HABEENIMO


Waqtiga habeenkii waa xilliga jirkaadu uu koro ama kobco. Shahwada caadimaadka qabta iyo ugxantuba waa ay koraan, jirka oo dhanna waa uu sii caafimaadaa.


Waxaa cilmi ahaan la xaqiijiyey in 11pm ilaa 8am ay tahay xilliga ugu fiican ee la hurdo.


Xigmad shiineeskii hore ayaa aheyd “11pm waa bilowga waji cusub iyo maskax iyo muuqaal dhalinyaro ah.


Dhibaato wayn kuuma laha inaad hurudo ka dib 11pm laakin waxaa ogaataa haddii aaddaaímto in aad soo jeeddo 11pm ka dib jirkaadu maheli doono faaidooyinka laga helo caafimaadka hurdada.


· SAMEE JIMICSI MUDDO 30 DAQIIQO AH, 3 JEER USBUUCII


Jimicsigu wuxuu jirkaada u horseedi karaa inuu helo xaalad wanaagsan oo aad ku qaadi karto uur, kaliya ,maaha in uu hagaajiyo wareegga dhiiggaada ee waxuu abuurayaa awood jirkaadu ku qaadan karo hawo (Oxygen).


· DHEELLITIR KU SAMEE DUFANKA (FAT) JIRKAADA


Tani waxaa aad ugu tiirsan caafimaadka shahwada, dheellitirka hormoonada jirkaada iyo wareegga dhiiggaada, sidaa darteed waa in aad xaddiddaa dufanka ribban ee tooska looga helo baruurta xoolaha. Ka fogow cuntada aadka loo shiilo iyo dhamaan dufanta nuucyadeeda kale.


· KOFEEGA IYO ALKOLADA


Ka fogoow isticmaalka kofeega iyo cabidda alkolada siiba ragga oo la sheego iney hoos u dhinto bacrimintooda.


WD. YUSUF SHUQALE HAMARI
Email: Yhamari@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *