Uncategorized

Gabaryahay Iska Ilaaali Dhaqamada Nuucaan Oo Kale Ah Ragga Kama…

iftineducation.com – Gabaryaheey waxad ogataa in ay  jiraan habab kala duwan oo aysan wanaagsaneyn  in aad ragga kula dhaqanto xitaa hadii uu  yahay  saaxibkaada ninkaada  ama walaalkaa , hadaba il gaar ah isaga yeelo arimahaan .
Codkaada kor ha u qaadin xiliga aad la sheekeysaneyso xitaa sheeko caadi haddii ay tahay, waxaad ogataa ragga ma jecla haweenka ka cod dheer.
Qaadashada go`aanka kama dambeysta ah , tani haween badan ayaa ku dhaqma, waxaa haboon in ninku ahaado qofka qaadanaya go`aanka kama dambeysta ee ku aadan arin  waliba . raga ma jecla in uu dareemo in aad adiga tahay hogaamiyaha, waxa ayna tani u dareemaya in raganimadiisa  nusqaan tahay.
In aad si aan habooneyn uga sheegeyso saaxibadiisa , waayo waxa  uu aaminayaa in wax laga sheekayo saaxibadiisa in isna yahay  ee il gaar ah isaga yeelo.
Waligaa iska ilaali in ninkaada in  nin kale ku hor amaantid xitaa hadii uu yahay nin magac leh maxaa yeelay ninka raggu waxa uu jecel yahay in uu dareemo in uu  yahay kaliya qofka mudan amaanta.
Maxamed Sadiiq (Super Boy)
Shumis.net@hotmail.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *