Uncategorized

Ethiopia Oo U Barreertay Isku Dirka Dadka Soomaaliyeed.

iftineducation.com In badan shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku eedeyn jiray dowladda Itoobiya inay qayb ka tahay dhibaatooyinka dalka ka jira laakiin xilligan waxaad mooda inay Itoobiya si toosa taasi u qirsan tahay iyadu, Wakiilka Garoowe u fadhiya dowladda Itoobiya oo lagu magcaabo


Asmalaash  ayaa isagoo ka hadlaya kalafashigii Baarlamaanka Puntland ee maanta magaalada Garoowe ka qabsoomay ayaa dagaalka Gaalkacayo ku eedeyey inay maamulka Galmudug ku gardaran yihiin isagoo ku beer laxawsan Siyaasiyiinta doonayana inuu shacabka Soomaaliyeed u ee walaalka ah u isku diro. 

“Waxaan Halkaan ka xaqiijinayaa dagaal kasta oo Gaalkacayo ka dhaca in Puntland looga gardaranyahay oo aanay aqoon gardarada iyada iyo Shacabkeedaba, Amxaarana ay garab istaagan tahay Puntland…” sidaas waxaaa yidhi Asmalaash Wakiilka Itoobiya ee Garoowe. 

Hadalka waa mid caddayn u ah isku dirka iyo dhibaatada Gaalkacayo ama gobolka Mudug inay Dowladda Itoobiya qayb ka tahay iyadoo uga faa’iideysan labada shacab ee walaalka ah siyaasiyiin aan damiir iyo caqli lahayn balse maamulka Amxaaradu u hadba dhinac u jeediyo, Itoobiya ayaa hore dilal qorshaysan Soomaaliya uga gaysan jirtay iyadoo iskugu diri jirtay beelo iyo maamulo balse taasi ayaan caddayn badan loo heli jirrin laakiin xilligan waxaa muuqan inay Itoobiya joogto heer ay barreerto shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintana waxba kala xishoon madama ay maskax ahaan xilligan Soomaaliya iyadu u gumaysan. 


Ethiopia Oo U Barreertay Isku Dirka Dadka Soomaaliyeed.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *