Uncategorized

Duulimaad walba oo Dowladdu ay soo kireeysato wuxuu ku lahaa $3000 [saddex kun dollar) oo saami ah [DAAH FUR XOG RASMI AH]

iftineducation.com – Ilaa hadda tiradii ugu badneyd ee siyaasiyiin ah ayaa shaaciyey in ay yihiin musharaxiin u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, iyada oo maalmo kooban ay innaga xigto xilliga loo qabtay doorashooyinka hay’adaha Dowladda & Madaxtooyadda.
Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan taleefishinada & idaacadaha ayaa la filayey in ay noqdaan fagaaraha lagu kala saaro musharixiinta, ayna qaataan kaalin ay bulshada ugu soo bandhigayaan, si weliba aan leexleexad laheyn taariikhda musharax walba, hasse ahaatee nasiib darro waxeey noqdeen halka lagu xayeysiiyo musharixiinta.




Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ahaa safiirkii ugu waqtiga dheeraa safiirada Dowladda Soomaaliya, ayaa ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxaanna musharaxnimadiisa ka aragti dhiibtay muwaadiniin Soomaali ah oo ay ku jiraan shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo ay soo wada shaqeeyeen.
Qaar ka mid ah dadka aragtidooda soo bandhigay waxeey diideen in magacooda la xuso, waxaanna ay bixiyeen xog muhiim ah oo daah fur u noqon karo in shacabku ay waxyaabaha qaar su’aalo iska weydiiyaan.
“Dadka bulshada u ah indhaha, oo ay ugu horreeyaan aqoonyahanadda & indheer garadka waa in aynu xaadiraan goobaha ay shirarka ku qabanayaan musharixiinta, ama aan la xiriirno idaacadaha ay ka hadlayaan oo aan makaroofanka qaadano, oo weydiino adiga haddaad dooneyso inaad aniga i metesho, iiga jawaab su’aalahaan. Aamusnaan waa waxa meesha aan joogno na soo gaarsiiyey oo maalin walba ninba ninka uu ka sii liito uu leeyahay xil Qaran baan doonayaan, Dowladnimada Soomaaliya waxaa maanta wax laga weydiinayaa oo gacanta sare yeeshay kuwii tuugada ahaa, jaajuusiinta & midkii diiflaha ahaa ee liitay; haddaan shacabka nahay maxaa inoo diiday inaan hadalno oo aan la aamusanahay.? Ayuu isweydiiyey mid ka mid ah shaqsiyaadka aragtidooda dhiibtay, wuxuuna intaasi raaciyey in shacabku ay yihiin Dowladda rasmiga ah.
“Waa dhab in Masuuliyiin hore iyo kuwa hadda joogaba ay lunsadaan hanti aad u badan, waxaa kale oo wax laga xumado ah in kuwaa dadka Soomaliyeed hantidooda dhacaya haddana rabaan in la sii doorto,  waxaa loo bahan yahay wax dadka baraarujiya oo warbaahintu ugu horeeyso. Max’ed Cali (Ameeriko) muddo ka badan 12 sanno ayuu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Kenya. Muddadii uu xilkaasi hayey wuxuu leexdsaday lacagihii deeqaha Soomaaliya, markii laga qaaday xilka wuxuu tir tiray dhammaan wixii e-mail ahaa ee raad raaca u noqon lahaa shaqooyinkii uu soo qabtay, waa Danjiraha keliya taariikhda inta la ogyahay ay kooxaha [Monataring Group] ku eedeeyeen in uu xaday adduun gaaraaya 500.000 baasaboor” Ayuu yiri mas’uulkaas, wuxuuna intaasi raaciyey in ay nasiib darro tahay in shaqsi ceynkaas ah inta uu Soomaali soo hor istaago inuu yiraa waxaan doonayaan inaan Madaxweyne u tartamo.
Mas’uulkani, wuxuu kaluu sheegay in xaaladda amni & nololeed ee Soomaaliya ka jirta ay fursad siisay kuwa siyaasi isku sheeg ah oo xilal aysan mudneyn ku helay si aan munaasib aheyn, isaga oo intaasi raaciyey in kuwa hantida Qaranka dhacay la la xisaabtamo markeey noqota ba.
“Safaaradda Soomaaliya ee Kenya xilligan waxeey la tarami kartaa safaaradaha Afrikaanka, yididiilo wanaagsan ayaana muuqata, wax waliba waxeey maraan nidaam [prorecess] sax ah, balse xilligii uu safaarada madaxda ka ahaa Ameeriko maalin walba lacagta safaarada ay soo xareyso galabtii isagaa qaadan jiray, xittaa marka uu isagu maqan yahay xaaskiisa u soo qaadi jirtay. Ameeriko wuxuu safaaradda ka dhigay dukaan uu gaar u leeyahay” Ayuu yiri mas’uulkiaas, wuxuuna intaasi raaciyey in lacag dhan $ 800.000 oo ay laheyd waaxda socdaalka & jinsiyadaha uu jeebka ku shubtay Danjirihii hore.
“Waxaa caddeyn loo hayaa, in Max’ed Cali si toos ah u dhacay lacag dhan $ 800.000 [siddeed boqol oo kun oo dollar] oo ka soo xarootay baasaboorka Soomaaliga ah, lacagtaas dooddeeda oo muddo dheer socotay Janeraal Gaafow markii uu ka soo saari waayey wuu iska cafiyay, sidoo kale, wuxuu lacag la qeybsan jiray shirkadaha dayuuradaha sida Shirkadda Jaamac Blu iyo shirkada kale ee Blue Bird waxaanna duulimaad walba oo Dowladda ay soo kireeysato uu ku lahaa $3000 [saddex kun dollar) oo saami ah, wuxuu toos u dhici jiray lacagta fiisayaasha ee dadka iyo hay’adaha Ajaanibka ee Soomaaliya imaanaa, xogtan ma ahan mid xagxagasho ah waa rasmi, saxaafadu waa in ay wax ka weydiiyaan” Ayuu yiri Mas’uulkaasi, wuxuuna intaasi sii raaciyey:
“Intii uu xilka hayey wuxuu u dhaqmay sida nin u ooman inuu lacag fara badan uruursado, waxaa caado u aheyd si rayiga bulshada u qaldo uu qalimaan & buugaag u qaado xerooyinka qaxootiga, isaga oo ujeeddadiisu aheyd inuu isku soo sawirro dadka xerooyinka ku jira, si loogu aqoonsado [hero] dadka caawiya, wuxuu xariif ku ahaa sida loo jilo aflaanta beenta ah”


W/Q: Siciid Maxamed Cumar
E-mail.momar@yahoo.com
Muqdisho-Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *