Uncategorized

Duterte oo Obama ku yiri “Naarta ka Cab”

iftineducation.com – Madaxweynaha dalka Philippines Rodrigo Duterte ayaa mar kale dagaal dhanka afka ah ku qaaday dhiggiisa dalka Mareykanka.
Duterte ayaa yiri madaxweyne Obama “naarta ha ka cabbo” kaddib markii Obama uu dhaleeceeyay dagaalka qalafsan ee dowladda Philippines ay kula jirto kooxada mukhaadaraadka ka ganacsada.
Waxa uu sidoo kale Midowga Yurub ku yiri “ku sii nagaada meel u dhaxeysa geerida iyo naarta maadaama naarta ay idinka buuxsantay.”
Khudbad uu ujeediyay saraakiil muxali ah iyo mas’uuliyiinta shirkado ganacsi ayaa Duterte waxa uu sheegay in aad uga xumaaday sida Mareykanka uu dhaliilay qaababka Philippinnes ay ula tacaasho la dagaalanka mukhaadaraadka.
Waxa uuna Mareykanka ku tilmaamay xulufo aan la isku halayn karin, waxa uuna tibaaxay in dalkiisa uu u weecdan doono dhinaca dalalka Ruushka iyo Shiinaha.
Duterte waxa uu sidoo kale shaaciyay in Mareykanka uu diiday in uu hub ka iibiyo dalkiisa, waxa uuna sheegay in waddamo kale ay hubkaasi ka soo iibsan doonaan.
Hadalka madaxweyne Duterte ayaa ku soio beegmaya xilli Mareykanka iyo Philiphines ay si wadajir ah u billaabeen doolatus milatari.
Dagaalka uu Duterte kula jira kooxaha daroogada ka ganacsada ayaa sabab u noqotay in dalkaasi ay ka dhacaan dilal sharci darro ah oo loo geystay dadka arrimnahaasi lagu tuhmnayo.
Dalka Philippines ayaa in muddo ah Mareykanka oo horey u soo gumeystay la lahaa xiriir aan wanaagsanayn.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *