Uncategorized

Duminta gurigii uu ku dhashay Hitler oo ku yaalla Austria oo la joojiyay

iftineducation.com – Dowladda Austrian ayaa waxay ka noqotay qorshe la doonayay in lagu burburiyo guriga uu ku dhashay Adolf Hitler.


Guddi khubaro ah oo arrintaasi loo saaray ayaa waxa ay ku taliyeen inaan gurigaasi aan la duminin.
Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria, Wolfgang Sobotka, uu ku dhawaaqay Isniintii in guri kale goobta laga dhisayo.

Guriga uu ku dhashay Adolf Hitler sanadkii 1889kii.



Wasiirka hadda waxa uu taageeray talada khubarada, waxaana la joojiyay in dhismaha oo ku yaalla Braunau-am-Inn loo badalo mid maamul.
Adolf Hitler waxa uu ku dhashay dabaqa ugu sareeya ee dhismaha

Adolf Hitler waxa uu ku dhashay dabaqa ugu sareeya ee dhismaha

Waxa ay khubarada sheegeen in guriga uu yahay calaamadda awoodda Austria.


Dhismaha ayaa hadda ah meel ay u xajiyaan dadka ka haray Naasiyiinta.


Xubnaha guddiga waxa ay tilmaameen in haddii la dumiyo dhismaha uu macnaha noqonayo in Austria ay diiday Taariikhda Naasiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *