Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay inay Deegaanka Lamber 50 ku Qaarijisay 14 Sarkaal oo katirsan Ururka Al Shabaab (Dhagayso)

iftineducation.com –  Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay inay Deegaanka Lamber 50 ku Qaarijisay 14 Sarkaal oo katirsan Ururka Al Shabaab (Dhagayso)


October 05, 2016 – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaarijisay saraakiil ay sheegtay inay ahaayeen kuwo sar sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdala Xuseen Cali ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay, dilka xubnahan ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.


al-shabaab-oo-soo-bandhigay-sawirro-ay-ku-muujinayaan-sidii-ay-ula-wareegeen-deegaanka-moqokori-1


Wasiirka ku xigeenka ayaa hadalkiisa sii raaciyay in xubnaha la dilay ay qorshaynayeen inay weeraro gaadmo ah ka geystaan deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.


Cabdala Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in howgalka lagu dilay saraakiishii ka tirsanaa Al-Shabaab ee qorshaynayay in fuliyeen weerarkii ciidanka dowladda Soomaaliya.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *