Uncategorized

Dibad-baxayaasha Itoobiya oo “gubay” warshad Shamiito

iftineducation.com – Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaasha ay weerareen shirkad shamiitada sameysa.
Warshaddaasi waxaa iska leh nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote.
Waxaa goobta lagu gubay gawaari sida kuwa xamuulka qaada iyo mishiino.
Waxay sidoo kale weerareen saldhig boolis, waxayna sii daayeen maxaabiis, iyagoo sidoo kale dab qabad siiyay gawaarida dowladda.
Taageerayaasha Oromada ee gobolkaasi oo dhan ayaa dibad baxaya, waxayna ka careysan yihiin tobanaan qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay.
Dadkaasi dhintay waxay ka qeyb galayeen munaasabad dhaqan oo rabshado isu badashay.
Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxay dhowr bilood wadaan isu soo bax ka dhan ah dowladda.
Waxay ka andacoonayaan dhibaatooyiin siyaasadeed iyo faquuq dhanka dhaqaalaha ah.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *