Uncategorized

Dawladda Peru waxay baadhaysaa dhimashada 10,000 oo raha

iftineducation.com – Wakaalada deegaanka ee dalka Peru waxay baadhaysaa dhimashada 10,000 oo rah oo laga helay wabi ku yaala koonfurta dalkaasi .


Kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in wasakhaynta webiga Coata ay sabab u tahay dhimashada baahsan ee ku dhacday raha.
Waxaa loo yaqaan rahani Titicaca waxaanu ku nool yahay biyaha macaan ee harada u dhexayasa Bolivia iyo Peru. Rahan ayaa ku jira noolaha looga baqayo inuu dabar go’o.


Kooxaha deegaanka ilaaliya ayaa boqol ka mid ah meydkii rahan u qaaday xarunta gobolka koonfurta Peru ee Penu.


Waxay dawlada Peru ku eedeeyeen inay maqli weyday baaqoodii ahaa inaan bulaacadaha lagu qubin biyaha uu ku nool yahay rahu.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *