Uncategorized

Dagaalka Moosil: Ciidamada Mareykanka ayaa ka digay qiiq sun ah

iftineducation.com – Ciidamada Mareykanka ee ku sugan meel u dhow saldhigooda Moosil ayaa xirtay qalab ay isaga difaacayaan sunta warshad baaruudda sameyso oo ku gubaneysa halkaasi.
Waxaa la sheegayaa in dagaal yahanada ururka la baxay Khilaafada Islaamka ay warshadda gubeen.


Qiiqa ayaa u baxaya dhanka deegaanka Qayarah, waxayna doonayaan in ciidamada Ciraaq ee halkaasi ku sugan ay sunta saameyso, sida lagu warramayo.



Gubashada warshadda waxay bilaabatay laba maalmood ka hor, waxayna ku taallaa Koofurta Moosil.
Qayarah waxa ay marin muhiim ah hadda u tahay ciidamada Mareykanka oo taageeraya kuwa Ciraaq ee duullaanka ku ah Moosil.
Magaaladaasi waa meesha ay ugu xoogga badan yihiin dagaalyahanada daacish ee dalka Ciraaq.
saameynta sunta baaruuda maxay tahay?
Baaruuda waa sun saameyn karta qofka marka sanka ay ka gasho ama ay gaarto maqaarka ama indhaha ay gaarto.
Marka neefta qofka ay raacdo, waxay sababeysaa cun-cun dhuunta iyo sanka ah.
Waxaa kaloo ay sababi kartaa Lalabo, Matag, calool xanuun iyo inay dhibaato u geysato sambabada.
Dhanka maqaarka, waxay sababtaa cun-cun, midabka oo is bedela, iyo finan jirka oo dhan kasoo baxa.
Indhaha haddii ay gaartana waxay sababi kartaa indho la’aan, sida ay ku warrameyso waaxda caafimaadka ee England.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *