Uncategorized

Daawo Sawirro: Mid ka mid ah jidadkii ugu burburka & Boholaha badnaa Muqdisho oo laami cusub la saaray

iftineducation.com – Wadada Muhiimka ee isku xirta isgoysyada shaqaalaha iyo KPP oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo dib u dhis ah iyadoo laami cusubna la saaray.


Jidkan ayaa burburka baaxada leh ee ku dhacay awgeed aysan gaadiidku isticmaalin 25-kii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana ka dhex sameysmay boholo waaweyn oo dhowr mitir hoos u qodan kuwaasoo ay sababeen daadadka roobabka, waxaana gaadiid isticmaala jidkan ugu dambeysay xiligii ay dhaceysay dowladii Kacaanka.


Hase ahaatee maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya dhinacyo kala duwan ayaa bilaabay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo wadadan, waxaa hadda la saaray laami cusub oo dib u soo celiyey bilicdii iyo rajadii wadadan.


Dhismayaasha caanka ah ee lagu xusuusto hareeraha wadadan ayaa waxaa ka mid ah Baar Jabuuti, Ex-Shinemo Kaasa Popolaare, Warta biyaha Siigaale, Iskuulkii Bustalle iyo Gurigii hore ee shaqaalaha oo ku yaalla halka ay iska galaan wadadan iyo wadada Maka Al-Mukarama.





Shacabka ku nool xaafadaha ku teedsan wadada shaqaalaha ayaa si weyn u soo dhoweeyey dib u dhiska lagu sameeyey wadadan, waxaana qaarkood ay sheegeen iney riyo la tahay ayna rumeysan la’yihiin dib u howlgelinta wadadan, iyagoo xusay iney u hamuun qabaan iney mar kale arkaan gaadiid isticmaalaya.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *