Uncategorized

Daawo Sawirada:- Haweeney arooskeeda dartiis 50 kiilo baruur ah iskaga ridday si ay u gashato taaj-ka

iftineducation.com – Haweeney ku nool gobolka Texas ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Haley Smith oo aad u buurnaan jirtay ayaa meherkeeda sanad ka hor ahaa waxey go’aan ku gaartay in ay nolosheeda wax ka badasho si ay xaflada arooskeeda u gashato taaj dhex yar.


Haley Smith ayaa saaxiibkeeda Math wuxuu bishii July ee 2015 weydiiyay in ay rido culeyska saaran ka hor arooskeeda, 





waxayna muddo sanad kahor arooskeeda sii bilaawday orod , 




jimicsi iyo in ay yareyso cuntada ay cuneyso si ay u caatoowdo una xerato taaj ama saako dhex yar habeenka xafladda arooskeeda dhaceyso taas oo ay u noqotay suurto gal kadib markii ay iska ridday 50 kiilo garaam.




Sawirka ka hor arooska iyo kadib riix halkaan cideo


Waxaana is caateys dheer kadib ay qaadatay saako ama taaj yar oo ay dadkii yaqaanay oo xaflada kasoo qeybgalay layaab ku noqotay.


Waxaa ay tiri ”markaan bilaabay is caateynta oo aan arkay in miisaankeygu uu hoos aaday waxaa ii dhisantay niyadda anigoo sii waday ilaa aan ka taqaluso 50 kiilo oo baruur i saarneyd deetana waxan kusoo baxay aroos dhex yar oo qurux badan waana igu farxay xataa ninkeeyga anigana kalsooni buuxda ayaan helay, waxeyna ii noqotay labo farxad ” ayay tiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *