Uncategorized

Daawo 55jir Weli Shidan oo Dad badan ka yaabiyay

iftineducation.com Daawo 55jir Weli Shidan oo Dad badan ka yaabiyay


Fanaanka weyn ee u dhashay wadanka Masar Amr Diab ayaa xaflad balaadhan ugu dabaaldagay dhalashadiisi 55aad oo ku beegneyd 11October.


Fanaankan dhashay 1961 ayaa buuq fara badan dhaliyay iyadoo dad badan is weydiiyaan qaabka uu da’ yaraantiisa u ilaashado maadama oo uu 55jir yahay hadana muuqii Sodon jirada leyahay.



Fanaankan ayaa badanka Baraha bulshada kusoo bandhigo isagoo jimicsanaya midaas oo jawaab cad u ah dhalinyarada inuu ku dhiirigelinayo inay jimicsiga u bilaaban si muuqalkoda u ilaashadan.


Waxaana xusid mudan in fanaankan yahay fanaanka carbeed ee ugu badan ee heesihiisa la xaday loona turjumay luqado kale sidoo kalena waa fanaanka dhanka raga Albumskiisu ugu iibka badanyihiin Bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika isagoo midaas ku muteystay abaal marinta caalamiga ah ee World Music Awards oo uu 7 jeer qaatay midaasna ku galay Guinness World Records inu yahay fanaanka carbeede e qaata abaalmarintan.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *