Uncategorized

Cunsuriyiinta jarmalka oo Waji cusub la soo baxay kana dhabeeyay Hanjabadii ay soo direen (Daawo Sawirada )

iftineducation.com – Magaalooyin ku yaala gudaha dalkaan Germany ayaa qasan ka dib markii ay weeraro qorsheeysan ka geesteen Cunsuriyeen cusub oo ku kacsan dad Qaxooti ah oo loogu keenay deegaano ay ku noolaayeen kuna awood badnaayeen .


Cunsuriyiintaan ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa ay u hanjabayeen dadka wanaagsan ee u dhashay dalka Jarmalka gaar ahaan kuwa soo dhaweeya Qaxootiga ee guryaha ka kireeya .


Cunsuriyiintaan ayaa ku buufiyay Darbiyada ama gidaarada guryaha la geeyo dadka Qaxootiga ah , Hal ku dhigyo naceyb xambaarsan sida ” KEIN ASYL IYO ASYL RAUS ” oo macnaheedu yahay dooni meyno Qaxooti iyo hanaga baxeen Qaxootiga .


Sidoo kale Cunsuriiyiinta dalka Jarmalka oo ku xoogan magaalada Dresden ayaa waxeey Darbiyada ku buufiyeen Calaamadii uu caanka ku ahaa Naazigii reer Germany ee Hitler .


Cunsuriyiintaan ayaa gubay guryo iyo xeryo dhoor ah oo la dajiyay dad Masaakiin ah oo dalalkooda uga soo cararay dagaalo iyo colaad aan dhamaad leheen .


Ciidamada Booliiska dalka Germany ayaa bil kaste waxeey xir xiraan raga hogaamiya Cunsuriyiinta Jarmalka balse iyagana dhankooda waxay weeraro xoogan ku hayaan guryaha laga kireeyo Qaxootiga cusub iyo goobtii la geeyaba.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *