Uncategorized

Boqortooyada Sacuudiga oo sheegtay in gantaal nooca riddada dheer lagu soo weeraray magaalada Makka

iftineducation.com – Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku eedeeysay dagaalyahanada Xuutiyiinta ee Yemen in ay gantaal nooca riddada dheer ah ku soo rideen dhanka magaalada barakeysan ee Makka.


Wakaaladda wararka u faafisa boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in gantaalka lagu soo riday meel dhexe oo lixdan kiiloomitir u jirta magaalada barakaysan ee Makka, iyadoo xaqiijisay in gantaalkaasi uusan geysan wax qasaare ah.





Wakaaladdu waxa kale oo ay sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu hogaaminayo ee ka dagaalamaya Yemen, ay daqiiqado ka dib duqaysay goobtii laga soo ganay gantaalka.


kooxda Xuutiyiintu ayaa sheegtay in gantaalka ay ku rideen oo ay la beegsanayeen garoonka caalamiga ah ee magaalada Jidda oo qiyaastii boqol kiiloo mitir u jirta magaalada Maka.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *