Uncategorized

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo caddeeyey in saxiixii MoU uu Soomaaliya halis ka bad-baadiyey-VIDEO

iftineducation.com – Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Nuur ayaa sheegay in heshiiskii is-afgarad ee MoU ay saxiixday Xukuumadii Raysal Wasaare Cumar Cabidirashiid sanadkii 2009 ay ku saxsanayd, arinkaasna ay mudan tahay in lagu amaano.

Axmed Cali Nuur oo hoggaaminaayey ergadii iyo qareemadii Soomaaliya ee Maxkamadda Caalamiga ah ayaa warkaan sheegay xili ay dhegaysiga dacwaddu soo dhamaatey. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku khasbanaayeen in ay gudbiyaan xuduudka qalfoofka ka hor 13 May 2009, labada dalna laga doonaayey in aan midba kan kale hor istaagin oo midkasta goonidiisa u gudbiyo, taas oo aan laga hadlin xuduudkii hore sida ku cad heshiiska.
…..Anigu shakhsi ahaan, Xeerilaaliye ahaan aniga oo aan cidna u eexaneyn qofna ka haybadeysaneyn, waxaan aaminsanahay in sharaf lagu siiyo xukuumadii saxiixdey, ujeedadii MoU maanta ayaa la qeexay, ma ahayn mid bad lagu gadanaayo, ama heshiis gaar ah lagu gelaayo waxay ahayd in qolof qaaradeedka labada dal gudbistaan oo labada dal is hor istaagin….. Haddii aan saxiixaas la gelin waxaan dhumin lahayn baddeena…… Axmed Cali Daahir
Xeer-ilaaliyaha Qaranka waxaa la magacaabey bishii Luuliyo 2014, xiligii uu wasiirka caddaaladda iyo dastuurka ahaa Faarax Shiikh Cabdulqaadir.
Hoose ka daawo muqaalka Xeer Ilalaiyaha Qaranka oo ka hadlaya arinta Badda Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *