Uncategorized

Xasasi Qeyb Ka Mid Ah Lacagta Ka Soo Baxda Kulanka Halyeeyada Arsenal & AC Milan Oo Garooma loogu dhisaayo somalia,

iftineducation.com – Xasasi Qeyb Ka Mid Ah Lacagta Ka Soo Baxda Kulanka Halyeeyada Arsenal & AC Milan Oo Garooma loogu dhisaayo somalia,
Hay’ada tabarucaada Arsenal ee  loogu yeero Arsenal Foundation ayaa muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter waxa ay kaga hadleen inay gacan ka siinayaan caruurta Soomaaliyeed ee jecel kubada cagta inay helaan garoomo yaryar oo ay ku ciyaaraan iyagoo kaashanaya hay’ada Save The Children UK. iyo Kuwa kale


Kulan tabarucaad ah ayay berrito garoonka Emirates Stadium ku ciyaari doonaan halyeeyada Arsenal ama lagend nada kooxda  iyo halyeeyada AC Milan, lacagta kulankaas ka soo xarooto qeyb ka mid ah waxa ay Arsenal ugu deeqi doontaa hay’ada Arsenal Foundation kuwaasoo garoomo yaryar u dhisaya caruurta Soomaaliyeed.


Muuqaalka ay soo bandhigtay Arsenal Foundation waxaa ku jira wiil Soomaaliyeed oo 13 sanno jir ah oo lagu magacaabo Shacbaan, waxaana uu leeyahay: “Inaan ku ciyaarno dhulkaan waxa ay baabi’neysaa kabaheena, waxaa ka buuxa dhagxaan, quraarad, qodax, wax walba waa ayaa ka buuxa, haddii ay Arsenal inoo dhisto garoon aad iyo aad ayaanu u taageereynaa, waxaana ay sarre u qaadeysaa nolosheena, horumar ayaana ka gaareysaa kubada cagta.”


Arsenal Foundation ayaa muqaalka sidoo kale ku tiri: “Anagoo kaashaneynaa Save the Children waxaana garoomo yaryar ka dhiseynaa Soomaaliya. Lacagta laga helo kulanka Halyeeyada Arsenal waxaa ka caawin doontaa caruurta sida Sacbaan inay helaan meel nadiif ah oo ay ku ciyaaraan.”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *