Uncategorized

XAQIIQADA SIIGADA: FAA’IIDADEEDA IYO FAA’IIDO DARRADEEDA W/Q: MUFAKKIR MOHAMED ABDIRIZAK SAID (SAMIIK)

iftineducation.com – 

Galadii Eebe Ku Siiyee Garaadkeeda Lagugu Daray

Gunimo Weeyaan Runtii Inaad Gacan Ku Biyo Baxdaa

= Mufakkir Samiik


Maxaynu Uga Hadlaynaa?

Dhaawicii ku yimidey Muslimiinta kadib burburkii dowladoodii weyneyd ee Cuthmaaniyiinta, waxaa burburay wax kasta; waxey la macne tahay eeggii dowladii weyneyd ee kacaankii S. Barre AUN meesha ka baxday, waxaa lumay oo burburay dhammaan halbeegyadii, haykaladii, hababkii iyo hay’adihii. Diinta Islaam ku waxay u baahan tahay dowlad ilaalisa oo daryeesha (Islamic State) sida dhaqan ku ugu baahan yahay keyd sooyaaleed oo fan ah oo ilaaliya, kaasoo ay tahay in laga dhex arki karo hiddihii bulshada iyo dhaqan ka casriga (Fanka Iyo Suugaanta).


Natiijada laga dhaxlay burburkaas waxaa ugu waaweyn in wax kasta oo samaan ahi xumaan isku beddeleen, shay kasta tiirar kiisii rasmiga ahi kuwo samays ahi beddeleen, xeerarkii iyo haylkalkii mabaadiida ayaa beddelmay, taasina waxay aafo weyn ku noqotay ilaa iyo hadda bahda Muslimiin ta iyo Soomaalida oo wali la tacaalaya arrimahaas siday uga soo kaban lahaayeen. Guurku wuxuu ka mid yahay arrimaha sida wayn loo farfareeyey ee loo khalday; waxaa la beddelay dhammaan anshaxiisii, haykalkiisii, xeerarkiisii, duruuftiisii iyo daryeelkiisii.
Dibu-dhaca wayn ee ku yimid tirada iyo tayada Guurka, waxaa loo sababeenayaa karti darrida iyo ogaal xumida dhallinta ka haysata barashadiisa, fahamkiisa, dhaqan gelintiisa iyo dulqaad kiisa. Dhaliil aan taas ka yarayn waxaa iska leh waalidka, kuwaasoo qiima dhac iyo qaaya tir Guurka ku sameeyey, waxey qaaliyeeyeen qiimaha meherka; waxey dhallinta ka caawin waayeen fahamsiinta iyo aqoon baridda mowduucan; waxey dhallinta u fududayn waayeen guurka iyo cimiladiisa, Kol haddii qiimaha guurka uu sare u kacay, sidoo kalena dakhliga dhallinyarada uu hooseeyo, waxey natiijo ahaan sababtay in dhallintu ay siigaystaan, booskii ay ka guursan lahaayeen. 10-kii qof oo da’da 13-25 u dhaxeysa 9 kamida ayaa siigaystaa taasoo 99% ah; siigaduna waa maado dhibaatayn  iyo waxyeello badan u keenta caafimaadka. Bulshada Soomaaliyeed aminka dagaalladii qabaliga ka dib la tacaalaysa dagaallada aaminaada iyo runta, waxyaallo badan in loo cadeeyo waa daw.

Waa Maxay Siigo?

Qeexidda Samiik: Isticmaalka awoodda gacanta oo uu qofku biyaha si xoog ahi iskaga keeno, isagoo xoq-xoqaya oo salaaxaya xubinta taranka (Lab & Dheddig). Siyaabooyin kala duwan ayaa loo sameeyaa maadada siigaysiga, taasoo ujeeddada xaqiiqiga ahi tahay in qofku biyabaxo oo uu dareemo waxoogaa raaxo kumeel gaadh ah, kacsi badan oo hayey owgeed. Dhallinyarada qaabab kala duwan ayey u adeegsadaan raadinta raaxadaas, waxaa kamida: In ninka uu helo naag uusan la samayn galmo oo u nuugta xubintiisa, ama isagu uu isku sameeyo isagoo xoqxoqaya oo salaaxaya xubintiisa, isagoo adeegsanaya candhuuf, shaamboo iyo dhammaan waxyaallaha dufan ka leh, sida kareemada iyo saliidda. Dumarku waxay aalaa iyagu isticmaalaan farahooda iyagoo farfareenaya xubintooda, sidoo kale aallado kale duwan ayay isticmaalaan sida: Xubinta ninka oo Artificial ah, (Sex Toy) iyo qaybaha kala duwan ee khudaarta sida mooska, liinta iyo IWM.

 

Maxaa Loo Siigaystaa?

  • Kacsi Badan: Qofku marka uu kacsado oo dareen galmo oo degdeg ahi qabato, xaasna uu lahayn, waxay ku khasabtaa inuu siigaysto.
  • Cabsida Zinnada: Dadyow badan ayaa xilligay isku qabato mid uun inay sameeyaan, in ay sinnaystaan ama in ay siigaystaan; waxay door bidaan siigada.
  • Dhaqan Balwo: Qaar iyagu way qabatimeen oo balwad ayey u noqotay, kacsi iyo kacsi la’aan waa kuwii sameeya, maba joogi karaan oo maba noolaan karaan hadaysan samayn.

Faa’iidada Siigaysiga?

  • Waxey qofka ka ilaalisaa inuu ku dhaco zino
  • Waxey qofka ka caawisaa inuu dejiyo dareemadiisa oo u raaxeeyo
  • Waxey qofka ka difaacdaa saamaynta wayn ee shahwadu ku yeelan karto caafimaadkiisa
  • Qarash yaraan, Uur la’i, ceeb la’i iyo Tijaabada ruuxu inuu biyo leeyahay.

Faa’iido Darrada Siigaysiga?

        (!) Wajiga Koobaad

  • Maskax qalal iyo Maan xidhan
  • Xifdi la’aan iyo Faham yari
  • Xawliga dhiiga oo daciifa
  • Xubinta taranka oo jilicda
  • Aragtida oo tamar daraysa
  • Miisaanka jidhka oo is dhima
  • Taahid iyo Gariir badan
  • Dulqaad iyo Firfircooni yari
  • Faalig iyo Qalal dhanka jidhka
  • Hurdo badni iyo muuqaal xumo
  • Maahsanaan iyo Jiljileec badaan
  • Xiniinyaha oo barara oo cuslaada
  • Himmada rabbaaniga oo yaraata
  • Cuncun iyo Is xoqid badan
  • Shakki badan iyo Cabsi caafimaad
  • Murugo iyo Qowmamo badan
  • Iyo qofku horay inuu u guursan waayo

       (2) Wajiga Labaad

  • Dhabar xanuun badan iyo kelyo xanuun saamayn wayn yeesha
  • Nafaqada timaha oo dhammaata kadib daata
  • Kacsi la’aan iyo biyo-bax degdeg ah
  • Inay biyuhu (Manidu) soo dareeraan iyadoo kacsi aanay jirin “Semen leakage”
  • Hab dhiska maskaxda oo khalkhala iyo xididdada oo hawlgaba
  • Dhibaato lagala kulmo joojinteeda.

       (3) Wajiga Saddexaad

  • Haddii uu shakhsigu caadaystay inuu gacantiisa ku biya-baxo oo sidaas raaxo ku helo, haduu joojin waayo waxay sababtaa, kolkuu guursado in gacanta xabiibtiisa ee jidhkiisa salaaxaysa ku kacsan waayo, ama ka heli waayo mid u dhigma kacsigiisii gacanta.
  • Siigadu ma buuxin karto xattaa lama tartami karto galmada, maxaa yeelay, waxa keliya ee shaqaynaya waa gacanta iyo xubinta oo maskaxda farriin ka helaya, laakiin galmada waxaa si isku mida oo wadajira u shaqeeya hab dhismeed ka jidhka, hab dhismeed ka dareemada iyo hab dhismeed ka neerfayaasha oo farriin ka helaya maskaxda iyo murqaha. Xattaa si fudud oo mandaq ah oo la fahmi karo, halka guurku uu ka leeyahay istiimin iyo salaaxis, ama dhunkasho iyo hadalo macmacaan, siigadu maleh.
  • Eegga qofku siigaysanayo wuxuu dareemaa raaxo aan u bixiyey (Raaxo Kumeel gaadh) oo soconaysa qadar xaddidan (1-2) daqiiqo, hadhowna qofku wuu ka qowmameeyaa, wuxuu na ku fekeraa waxyaallo kale oo naftiisa dhibaato u keeni kara.
  • Xilliga guurka iyo galmada, eegga ninku u tago naagtiisa biyaha ma ceshan karo oo durba wuu biyo-baxaa, wuxuuna ku biyo-baxaa qadar ka yar qadarka qofka caafimaad ka qabaa ku biyo-bixi karo (5-8) daqiiqo, inta badan qofkaasi wuxuu ku biyo-baxaa inta u dhaxaysa (5-1) daqiiqo. Taasina, si degdeg ah waxay u sababtaa in haweentii ay qaado dareen ah niyad-jab iyo rajo-beel, kolka aynigeed ay la sheekeysatana waxayba sii qaadaa welwel iyo walaac; aakhirkana gurigaasi waa dumaa oo waliba ceeb ayaa lagu kala tagaa.
  • Qofka samaynaya siigada, eegga uu kacsado qalbigiisa ma joogo oo hawo sare ayuu ka fekarayaa, markuu dhammaysto howshiisa ayuu ogaadaa waxa uu sameeyey iyo fool xumida ay leedahay, kolkaas buu xusuustaa dembigeeda aakhiro iyo adduun, kadib ayuu isla hadlaa oo arkaa doqonnimadiisa inuu keligii isku raaxeeyey, maxaa ka nacasnimo badan in aad adigu isku galmootay oo isku raaxaysay?
  • Dhallinyaro badan waxay aaminsan yihiin in xubinta taran ka ay ku weynaato, cilmi baadhis iyo daraasado lagu sameeyey waxey xaqiijiyeen inuu ku yaraado dhumuc iyo dhererba oo waliba aad u jilco.

  • Dhibaatooyin ka siigadu u keento xubinta taranka ninka waxaa kamida kolka haweenta uu u tago oo galmo uu la sameeyo, howshii oo socota inuu iska damo, ama xilliga biyaha uu tuuri lahaa hawlgabo; ciniinnimadaasi waxay caloolyow ku beertaa haweenta oo runtii aad iyo aad uga xanaaqda oo xattaa daraasaddu sheegaysaa inay ka qaadi karto waali.
  • Qaar badan oo dhallinta ah cabsidaas owgeed waxay isticmaalaan kiniino habeen ka ay xaasaskooda u galmoonayaan, kaasoo ay iskaga dhigaan inay caafimaad qabaan oo dherer iyo dhumuc fiican leeyahay xubintoodu, in kastoo khiyaanadaas haatan la fahmay oo la ogaan karo si fudud haddana, in badan way ku soo caano maaleen, Daraasaddu waxay sidoo kale cadeenaysaa in kiniinadaas oo uu ugu horreeyo Feegada, dhibaatooyin hor leh oo caafimaad ka dareemada iyo neerfayaasha mooyaanee, dheeftiisu kumeel gaadh tahay. Aragtidaas si cilmiyyan ah ayaa maadada caafimaadka loogu cadeeyey.

Talada Samiik: Jooji Siigada

  • Talada KoowaadWaxaan kula talinayaa dhallinta marka hore inay akhristaan oo ay fahmaan cilmibaadhis yada iyo daraasadaha kala duwan ee maadadan laga suubiyey, waliba waa inay si wanaagsan u dhuuxaan nuxurka, xikmadda iyo murtida, dabadeed ay xisaab la galaan nafahooda, iyagoo runta u sheegaya oo fahamsiinaya duruuftooda & dareen kooda.
  • Talada LabaadWaalidiinta Soomaaliyeed ee qiimaha badan waxaan ka codsanayaa inay dhallinyarta u fudaydiyaan inay degdeg u guursadaan, guurkana ka dhigaan mid guul ah oo la fahmi karo oo la jaanqaadi kara duruufta nololeed ee waayaha iyo garaadkooda. 5000 oo Dollar oo ilmahaaga jaamacad kaga bixiso asagoo la nool kacsi badan, oo sinno ama siigo inuu ku dhaco khatar ugu jira, waxaa ka khayr badan adoo intaas ugu guuriya.
  • Talada AfraadWaxaan ku talinayaa in dhallintu ay cilmiga bartaan siiba diinta, iyo maadiga wixii nafci leh, si taas lamid ahna ay daraasadeeyaan dhaqan keena wanaagsan ee aynu leennahay. Waxaan ku talinaya in dhallinta maadadaas samaysa ay saaxiibadooda aan wanaagsanayn beddelaan, sidoo kale, in qofku qalbigiisa iyo maankiisa ku mashquuliyo sida: shaqo, waxbarasho, jimicsi, cibaado iyo dad uu la sheekeysto sida, kuwa isla deegaan ka ay yihiin, ama warbaahinta bulshada,
  • Talada ShanaadInuusan daawan aflaamta galmada ee xaaraanta ah, iyo sawirada qaaqaawan. Sidoo kale, inuusan xidhan dhar jilicsan oo xubintiisa ku lismaya ama uu iska badin cuntada nafaqada leh, inuu ka fogaado is dhexgalka ragga iyo dumarka, inuu jiifsan isagoon hurdo haynin si uusan galmo ugu fekerin oo u siigaysan, iyo inuu go’aan adag ka qaato oo ka dhabeeyo. Dhammaan intaasoo dhan waan ku talinayaa.

Siigada Iyo Mowqifka Islaamka?

Caadada sirriga ah “Siigada” waa mas-ala khilaafiya, ahlul-cilmigu ay inbadan isku khilaafeen ka xukun ahaan iyo ka aragtida ahaan ba. Inbadan oo culimadaasa oo lagu idlaaqi karo aqlabiyya inay yihiin “Fuqahaa’ul Madaahib” waxay qabaan, inay xaaraan tahay. Dooddeedu waxay timaadaa aalaa, bisha soonka iyo kolka uu qof siigeysto, kafaaro gud mala rabaa oo soonku maka jabayaa? Saddex qawl ayaa mes-alada ku jira: Qolada koowaad waxay qabtaa aslan ba inuu xaaraam yahay. Qolada labaad waxay qabtaa karaahiyo inuu yahay, Qolada saddexaad waxay qabtaa inuu bannaan yahay. Waxaa kaloo jira aragti afraad oo isku dayda inay dhexdhexaad ka noqoto oo ay u samayso cadaalaad saddexdaas aragti ee hore, waxeyna ku doodaan in daabidku yahay daruuro oo haddii la helo bannaan tahay haddii la waayana xaaraam tahay, waana qawl kamida culimo ka tirsan madhabaha, xanafiyada iyo xanaabilada.
Culimada ku doodaya inuu xaaraam yahay waxey u daliishadeen, Allaah SWT inuu amray oo noo sheegay in la xifdiyo xubnayaasha taranka xaalad walba, ilaa marka laga reebo kolka ay timaado in baahi keento (Sida: Galmada Xalaasha). Waxeyna u daliishadeen fahamkooda aayadahan ee ku jira Suuratul Nuur: “{وَلْيَسْتَعْفِفْ الَّذِينَ لا يَجِدُونَ نِكَاحاً حَتَّى يُغْنِيَهُمْ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ} (النور 33), waxay kaloo cuskadaan aayadahan: (والذين هم لفروجهم حافظون * إلا على أزواجهم أو ما ملكت أيمانهم فإنهم غير ملومين * فمن ابتغى وراء ذلك فأولئك هم العادون).
Waxey sidoo kale maraan in amarka lays amray ee ah in la dhowrsoonaado inuu dhalinayo oo uu waajibinayo in la sabro oo dulqaad lala yimaado. Shaykhul Islaam Ibn Taymiyah AUN wuxuu aaminsan yahay inay xaaraam tahay, asagoo ka duulaya qawaacid waaweyn oo fiqhi iyo caqiidaba leh. Waxaa kaloo jira fuqaho dalaa’il cadcad la yimid oo ayagu aaminsan inay mas-aladu xalaal iyo xaaraam u dhaxayso. Waxayna ku doodaan in daabidku yahay Daruuro, oo haddii la helo xalaal ay noqonayso (Sida: Qofku inuu naftiisa uga baqo inuu ku dhaco zinno), waxeyna ayagu maraan qaaciidada fiqhiga ah ee tidhaahda, “Labadii Daran Tii Dembi Yar Ku Dhac”. Waxeyna u dhigeen saddex shuruud oo ay adag tahay in hal mar lawada helo: In uusan qofku xaas lahayn, inuu isaga baqayo zinno inuu sameeyo hadduusan siigaysan, iyo inuusan ula jeedin raaxaysi ee uu ula jeedo shahwadda inuu iska dhimo oo iska yareeyo.
Nuxurka: Madaahiibta Shaaficiyada, Maalikiyada iyo Xanaabilada waxey rumaysan yihiin xaaraam inay tahay. Madhabta xanafiyada waxey leeyihiin waa xaaraan laakiin waxey ku bannaanaan kartaa saddexdaas shuruudood oo lays la helo. Haddaba, aragtida saxda ah ee kolka dalaa’isha la eego oo la saaro miisaan ka shareecada, waa inay xaaraam tahay laakiin daruuro ku bannaanaan karto. Sidaa owgeed, dhallinyarta waxaan u sheegayaa saddexdaas shuruudood ninkii isla hela hal mar in ay u banaan tahay oo daliil uu u heli karo, nin kii asagu aan samaynin waaba nin fiican oo qiime leh, nin kii isagu saddex daas shuruudood isla helin isagu daliil na ma haysto, laf cad ayuu toobin ku hayaa, waxaan leeyahay Allaah SWT ka baq, dambiga aad sameysayna uga soo laabo, towbad nasuuxa ahna la imow, xoolo dad ay u baahan yihiin ha khasaarin.

Tixraaca Maqaalka

 ________________________
  • Majmuucul Fataawaa, Ibn Taymiyah, 11/574
  • Buluuqul Manniyi Fii Xukmul Istimnaa/ Alcallaamah Showkani
  • Al-xaqiiqatul Jalliyah Fii Xurmati Alcaadah As-sirriyah/ Maxamed Bin Cimraan
  • Al-istiqsaa Bi Adillati Taxriimi Al-istimnaa/ Cabdillaahi Bin Sadiiq Al-qamaari

Farriinta Samiik Ee Waalidiinta

  • Labada hab ee ugu badan ee qofku ku baran karo siigada waxey tahay: Inuu akhriyo kitaab ama maqaal kaasoo si daqiiq ah uga hadlaya oo kala dhigdhigaya Siigada, sidaas darteed intuu akhriyo inuu dabadeed camaliyeeyo, iyo in saaxiib xun oo ka wayn ama la da’ ahi oo ciyaala suuq ah, oo daris ay yihiin ama isku dugsi yihiin uu baro, dabadeed sidaas ku sameeyo oo u dhaqan geliyo. Kolkaa waa in aan ka ilaalinaa carruurteena inay saaxiibo xun raacaan oo la dhaqmaan iyo buugaagta xasaasiga ah ee da’ ahaan uga weyn.
  • Haddii gabadhu ama wiilku uu sameeyo, maahan inaad disho oo xoog ku khasabto inuu joojiyo, taasina waa doqonnimo! Maxaa yeelay? Ma adaa waardiyeyn kara goortuu rabo inuu sameeyo? Mise suuligaad la gelisaa ama kaamarad ugu xidhaysa? Hadduu doono wuu awoodaa in suuliga uu san gelin ee ka malcaamadda iyo dugsiga galo, haye ma adaa u diidi kara markaa? Mise macallinkaad ku dhihi ii ilaali? Haddaba, caqligeenu waa inuu shaqeeyo oo feker nool la nimaadno, innagoo carruurteena aynaan dilin ayaan awoodnaa inaan wax barno, haday noqoto dhaqan wanaagsan oon ku dhiirrigelino iyo mid xun oon ka reebno.
  • Isku day waalid inaad fahamto ilmahaaga dabeecadiisa, dareenkiisa, daryeelkiisa, samaan- tiisa, xumaantiisa, kartidiisa, farsamadiisa iyo dhaqankiisa. Waxaan kuu gula talin lahaa in saaxiib dhow la noqoto ubadkaaga ,, haddii kale waa khasab inuu helo saaxiibo kale oo si wanaagsan u bara waxay jecelyihiin, haday samaan iyo xumaan noqotaba.
 La Deg Ayadoo PDF Ah
===========================================================

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *