Uncategorized

Tartankii kubadda cagta cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dib u dhac ku yimid,Ogow sababta

iftineducation.com – Waxaa warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid Tartankii kubadda cagta cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo la filaayay in ay birri jimco ah ka furmaan magaalada Muqdisho sababo ciriirga magaalada bilahan soo socda maadaama ay marti galinayso shirar caalami ah sida Kan IGAd iyo doorashada qaybaha kale duwan ee aqalada sare ee Soomaaliya.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa uu ku wargaliyay maamulka cayaaraha ee gobolka Banaadir in ay dib u dhigaan cayaaraha kubadda cagta ilaa muddo laba bilood ah taasi oo niyad jab ku ah bahda cayaaraha ee kubadda cagta waxaana laga yaabaa in ay kasii dheeraato mudadaasi hada dib loo dhigay walina war cad kama soo bixin maamulka cayaarahaa ee Gobolka.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *