Uncategorized

Soomaaliya oo guul ka soo hoysay tartanka Chess-ka ee ka socda dalka Azerbaijan

iftineducation.com – Xulka Ciyaartoyda ka socota Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga ayaa guul taariikhi ah waxaa uu ka soo hooyay tartanka 42-aad ee Chess-ka caalamiga ah oo ka socda magaalada Baku ee wadanka Azerbaijan, kaddib markii ay ka badiyeen ciyaatoy ka socotay ilaa iyo shan dal.


Tartankaan oo bilowday 2-dii bishan ayaa waxay la ciyaareen dalalka Ecuador,Libiya, Malawi, Bermuda, Palau iyo Kyrgyztan, iyadoo ciyaartoyda Soomaaliya ay dheeleen 5 wareeg, iyagoo helay 8.5 sideed ciyaartoy oo iska soo horjeeda.


Waxaa kale oo dhiman tartamo kale oo ciyaartoyda Soomaaliya la ciyaareyso kooxo kale maalinta berri ah, waxaana la rajeynayaa inay guulo ka soo hoyso.


Dhinaca kale ciyaartoyda ka socota xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa muujiyay ciyaar wanaag sida uu sheegay Guddoomiyaha xiriirka Axmed Xasan Cabdi Wataac,  


isagoo rajo ka muujiyay in tartamada dhiman ay guulo kale ka soo hoynayaan.


Halkaan hoose ka akhriso magacyada ciyaartoyda Soomaaliya iyo xulalka kale ee ka socda dalalkii ay la ciyaareen:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *