Uncategorized

Shirkadda Facebook oo ogolaaday sawir qaawan oo laga qaaday dagaalkii Vietnam

iftineducation.com –  Shirkadda Facebook oo ogolaaday sawir qaawan oo laga qaaday dagaalkii Vietnam
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay ogolaan doonto in dadku ay facebook-ga ku isticmaali karaan sawir taariikhi ah oo laga qaaday dagaalkii Vietnam ee sanadkii 1972-dii.


Mar hore ayay shirkaddu ka saartay sawirkaas Facebook-ga kaddib markii uu soo dhigay qoraa reer Norway ah.


Sababta ay shirkaddu u saartay waxay ku sheegtay in ilmaha yari uu qaawan yahay.




Arrintaas ayaase dood ka dhalisay doodrka tifaftir ee Facebook.


Tifaftiraha wargayska Norway ugu balaaran ayaa waraaq furan u qoray chief Mark Zuckerberg oo ah madaxa saree e Facebook isaga mamnuucitaanka sawirkaas ku tilmaamay “ku takrifal awood”


Shirkadda ayaa markaas kaddib sheegtay “in ay dhagaysatay bulshada” ayna qirayaan “ahmiyadda uu sawirkaasi u leeyahay caalamka”.


Ra’iisalwasaaraha dalka Norway ayaa soo dhawaysay go’aankaas sababtoo isla sawirkaas muranka dhaliyay oo ay tijaabo ahaan u galisay Facebook ayaa la tiray.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *