Uncategorized

Obama: Cadaaladda ayaa la horkeenayaa dadkii ka dambeeyay afgembigii Turkiga

iftineducation.com – Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono dadka masuulka ka ahaa afgembigii fashilmay ee Turkiga.


Waxa uu hadalkaasi ka jeediyay kullan uu si gaar ah ula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.


Labadan masuul waxa ay kawada qeybgalayaan shirka dalalka dhaqaalaha ku hormaray ee G-20 ee ka socda Hangzhou.


Turkiga wuxuu wadaadka deggan Mareykanka ee Fatxullah Gulen ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembigaasi dhecisoobay bishii July ee sanadkan.
Dowladda Turkiga waxay dalbaneysaa in wadaadkaasi loo gacan geliyo.
Laakiin, Obama kamuusan hadlin arrintaasi ah in wadaadka lagu wareejiyo Turkiga.


Fatxullah Gulen wuu beeniyay inuu ku lug lahaa afgembiga fashilmay.
Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga waxay sidoo kale kawada hadleen xaaladda Suuriya.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *