Uncategorized

NAXDIN: Gabar 14 sano ah oo is dishey, Markii ay ku dhacdey Imtixaanka Gudaha Somaliland.

iftineducation.com – Gabar  14 sano jir ah, kana mid ahayd  Ardadii wax ka baraneysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaam Shaafici ayaa is dishay, sida ay sheegayaan Warar laga helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.


Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Nimco Axmed Jaamac ayaa Aroortii hore ee saaka la soo weriyay  inay Mindi Dhuunta isaga jartay, taasoo ka dambeysay  markii ay ogaatay inay ku dhacday imtixaankiii Fasalka 8aad oo ardaydii gashay ay ka mid ahayd.





Nimco eheladeeda ayaa sheegay inay aad uga welwelsaneyd natiijada imtixaankeeda, waxayna ka mid ahayd arday dhan 603 oo ku dhacay imtixaankii laga qaaday dugisyada Gobolada Somaliland.


Isbitaalka ayaa loola cararay  Nimca Axmed Jaamac oo dhaawac halis ah isu geysatay, waxayna durbadiiba ku  geeriyootayc  Isbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo.


Ardayga dhacday sanadkan  degaanada Somaliland ayaa ahaa kuwii ugu badnaa  imtixaan qura laga soo calaamadeeyo inay gudbi waayeen.


Warka Gabadha is dishay ayaa naxdin weyn ku noqday magaalada Ceerigaabo iyo degaanada Somaliland, iyadoo ay tahay dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah.





Fikradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fikradaha
Nuur Xasan



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *