Uncategorized

Muunye Qooto Qooto (Qormada:Yusuf Garad)

iftineducation.com – Heesta Qooto Qooto waa sarbeeb Banaaddiri ah oo sarreysa. Waa sarbeeb haddana erayadeeda qaarkood waa ay qayaxan yihiin.


Beryahaan waxay dhex wareegeysaa dhallinyarada oo hees ahaan u jecleystay iyo dad aan qaarkood heesaha sidaa u dhegeysan laakiin uu macnaheedu taabtay.


Arrimaha ay heestu ka hadleyso waxaa ka mid ah nooc qurbo-joog ah, nooc kale oo xildhibaanno ah iyo nooc fannaaniin ah. Suugaanyahanka erayada tiriyay wuxuu ula baxay Xildhibaan-Qooto iyo Fannaan-Qooto.


Fannaanku wuxuu ka digay, xataa qofkii ka jawaabi lahaa oo wuxuu hadalkiisa ku soo geba gebeeyay Qofkii meel xanuunto, usaa soo qeyli doona.


Erayada heesta waxaa leh kuna luuqeeya Cabdi Maaxi Muunye.


Adoo qarash la’aan eh


Qorshuhu kaa wareeray


Quraacda kuu gooysay


Qadana aadan haysannin


Qurbaha sharci ku leedahay


Qaaradda Yurub ku nooshahay


Oodna qaawan tahay


Qoryo intiid is marisay


Qooto qooto


Adi qooto ma ku marqaantay


Qooteeyow Qooto Quutow


Qooto qooto miyaa?


Adigoo qamaamee


Qoftoo lee is barateen


Reerkooda qani yahay


Qubxi intii ka dhergisay


Qoor sagaara ku qabatay


Qaraabadeeda hoose


Qajaf aadan siinnin


Qooto qooto


Adi qooto ma ku aroostay?


Qooteeyow Qooto Quutow


Qooto qooto miyaa?


Adoo waxba qoreynin


Qalin iyo buug ad qaadannin


Aqoonteed sare lahayn


Qibraddaadu ey tahay


Qeybta fadhi ku dirirkiyo


Qeybta indha adeyga


Dalkii inaa u qaxday


Qooto Qooto


Xildhibaan Qooto ma ku tahay?


Qooteeyow Qooto Quutow


Qooto qooto miyaa?


Adoo qaabka heesaha


Qaadowgood kaseynin


Saddax qudde aad dhiibtid


Qol lagugu soo xiro


Qub iyo qac ku duubtid


Qataraa tahay lagu yiraa


Qab weyni aad ka qaaddid


Qofna aad salaamin


Youtube-ka qurxisay


Qooto qooto


Fannaan qooto ma ku tahay?


Qooteeyow


Qooto Quutow


Qooto qooto miyaa?


Anoon nii qudbeynin


Qooto ma niigu sheegay


Anoo nii qaldeynin


Qooto ma iila heesteen


Qofkii meel xanuunto


Usaa soo qeyli doona


Been ku noolow


Bilaash maahinoo


Been been ku noolaaw 
Bilaash maahinoo?


Marka aad ra’yigaaga dhiibato ka dib, waxa aad Qooto Qooto ka dhegeysan kartaa Youtube Ama Riix Halkaan si aad u Daawatid.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *