Uncategorized

Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ku Dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne (VIDEO)

iftineducation.com –  Safiirkii Hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Ex.Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.


Munaasabadan oo lagu qabtay Hotelka City Palace ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka madax ka socotay xisbiyada siyaasadda dalka, odayaal, waxgarad, Haween, dhalinyaro iyo Culumaa’udiin kale.




Xubnihii ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Nuux (Tima Jilac) oo ah Guddoomiyaha Midowga Xisbiyada siyaasada, waxaana ay isla qireen Waxqabadka iyo Kartida Maamul ee Danjire Maxamad Cali Ameerika oo leh shaqsiyad nadiif ah,isla markaana u qalma Hogaaminta Wadanka.


Amb. Maxamad Cali Ameerika oo gaba gabadii ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn ka hadlay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan loo baahan yahay is bedel muuqda laga hirgeliyo dalka, si dalka uu uga baxo dhibaatooyinka soo daashaday, isla markaana Soomaaliya la tartanto dalalka horumaray ee caalamka.


Musharaxa Madaxweyne Maxamed Cali nuur Ameerika ayaa balan qaaday hadii loo doorto xilka Madaxweynenimo in qorshihiisa ugu horeeya uu ka dhigi doono wax ka qabashada Amniga iyo Cadaaladda.




riix halkaan ka fiirso hee


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *