Uncategorized

Manchester United oo magacawday Bastian Schweinsteiger

iftineducation.com – Bastian Schweinsteiger oo khadka dhexe uga dheela Manchester United ayaa lagu soo daray 25-ka ciyaaryahan ee kooxdiisa uga dheeli doona Horyaalka Ingiriiska
Tababare Jose Mourinho ayaa 32 jirkaas Koobka Adduunka ku guulaystay u sheegay in ay u badan tahay in uusan mar kale ka ciyaarin garoonka Old Trafford.
Kabtankii hore ee xulka qaranka ee Jermalka ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah horaantii todobaadkii hore isaga oo saftay 121 ciyaarood 24 goolna u dhaliyay.
Labaatanka kooxood ee Horyaalka Ingiriiska ka dheela ayaa ilaa iyo Khamiistii haysta in ay ku soo gudbiyaan 25-ka ciyaartoy ee koobka uga qayb gali doona.
Schweinsteiger oo qandaraas saddex sano ah saxiixay bishii July 2015, ayaa marna tababaranayay kaligii marna la tababaranayay ciyaaryahanada da’doodu ka hoosayso 23-ka tan iyo markii uu Mourinho xilka la wareegay xagaagii.
Xidigan hore ee reer Bayern Munich ayaa sheegay “in uu diyaar u yahay haddii ay kooxdu u baahantahay, laakiin Mourinho ayaa sheegay ku filan yihiin Paul Pogba, Marouane Fellaini, Morgan Schneiderlin, Ander Herrera iyo Michael Carrick.
“Labo boos ayay shan ciyaartoy iska dabo sugayaan” ayuu yiri tababaraha United oo xilka kala wareegay Louis van Gaal, wuxuuna hadalka sii raaciyay in ay adkaan doonto in fursad soo baxdo”
Magacyada ciyaaryahanada ay Man United xulatay:
Eric Bailly, Daley Blind, Michael Carrick, Matteo Darmian, David De Gea, Memphis Depay, Sadik El-Fitouri, Marouane Fellaini, Ander Herrera, Zlatan Ibrahimovic, Sam Johnstone, Phil Jones, Jesse Lingard, Juan Mata, Henrikh Mkhitaryan, Paul Pogba, Marcos Rojo, Sergio Romero, Wayne Rooney, Morgan Schneiderlin, Bastian Schweinsteiger, Chris Smalling, Antonio Valencia, iyo Ashley Young.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *