Uncategorized

Magaalada Galkacyo Qeybta Galmudug oo maanta qaadka ka dagay iyo Puntland ay ka dagtay Diyaarad qaad siday..

iftineducation.com – Wararka ka imaanaya Magaalooyinka Galkacyo ee galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in ay saakay ka Dageen diyaarado siday jaad.


Wararka ayaa sheegaya in ay Diyaaradahaas ka dageen  Qardho iyo Hargaysa oo ka tirsan maamulada sadaxda ah ee Puntland Somaliland iyo Galmudug.


Dadka ku nool Magaalada Qardho ayaa sheegay Saaka inay maqlayeen guuxa Diyaarad weyn oo markii dambe laga soo dejiyay qaad fara badan oo Deeganada kala duwan ee Puntland loo qaadaayay.





Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in isla Diyaaradaasi ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee galmudug iyo Puntland.





Puntland ayaa sheegtay inuusan Khuseyn go’aanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, waxayna taasi macnaheeda tahay in Garoomada Puntland ay ka degi karaan Diyaaradaha qaadka sida.





Maanta Magaalada Muqdisho ma aysan imaanin Diyaarad qaad sida oo ka timid dalka Kenya, iyadoo subax waliba aroortii Diyaaradaha ay imaan jireen Magaalada Muqdisho.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *