Uncategorized

Ma Dhab Baa In Cristiano Ronaldo Uu Ku Jiro Xilli Ciyaareedkiisii Ugu Xumaa Tan Iyo Markii Uu Kusoo Biiray Madrid

iftineducation.com – Tan iyo xilli ciyaareedkii 2009/10 markaas oo uu Cristiano Ronaldo noqday xiddiga ugu qaalisan dunida kadib markii uu ku biiray naadiga Real Madrid xiddigan heerka caalami ee u dhashay dalka Portugues ayaa ku bilaawanayay xilli ciyaareed kasta goolal badan.


Waa xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa taariikhda tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda ka dhisan garoonka Estadio Santiago Bernabeu, waxaana xiddigan uu ku dhacay in uu saameeyn wayn ku yeesho kooxdiisa Lixdii kulan ee lasoo dhaafay ee ay ka ciyaartay horyaalka La Liga.


Xilli ciyaareedkiisii ugu liitay waxaa uu ahaa 2010/11, xilligaas oo uu ku fashilmay in uu shabaqa soo taabto kulamada badan, caksigase xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsana ayaa ahaa 2014/15 xilligaas oo uu dhaliyay 10 gool kulamada ugu horeya horyaalka xilli ciyaareedkaas.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *