Uncategorized

Kashifaad: Fanaanad caana oo la furay sedex bil kadib arooskeeda – Sabab?

iftineducation.com – Fanaanada Farxiyo Kobayare ayaa la furay sedex bilood kadib markii la aroosay sida uu Qarxisnews.com ogaaday.


Ninka guursaday Fanaanada Farxiyo kobayare oo lagu magacaabo Faarax Akhyaar ayaa deganaan jiray gobol ku yaal dalka Mareykanka laakiin guurkiisa kadib wuxuu degay Gobolka Minnesota si uu nolosha ula wadaago Marwo Kobayare.

Inkastoo Guurkii iyo Jaceylkii loo heesay ee Faarax iyo Farxiyo ku dhamaaday KALA NOQOSHO hadana waxay ka gaareen labadooda faa-iido qiimo badan maadama Fanaanadu uur qaaday ,hadana xaamilo tahay.

Farxiyo Kobayare oo aad ugu faraxsan Uur qaadisteeda waxay barta Facebook soo dhigtay sawiro ay iska qaadayiyadoo xaamilo ah,waxayna taageerayaasheeda ku tiri “Adkeeysiga  waa xageeyga – ducadana waa xagiina”
Sheekada xiisaha badan waxay tahay in Farxiyo Kobayare wali barteeda Facebook ku jiraan sawirada iyada iyo seeygeedii hore Faarax Akhyaar,taas oo ka dhigan mid ku dayasho mudan ,halka dumarka qaar sameeyaan inay ninka sawiradiisa hiifaan marka calafkooda dhamaado.
Dadka labada dhinac  u dhaw waxay ku xog waramayaan in kala taga Faarax iyo Farxiyo sabab looga dhigay iyadoo ka biyo diiday qorshayaal uu ku taamayay seeygeeda ,sida inay ka harto fanka.
Fanaanada Farxiyo kobayare waa gabadh qurux badan oo cod macaan ,waxayna fanka soo gashay sanadkii 2008 ,iyadoo ku soo caan baxday heesta HUBAAL


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *