Uncategorized

Fifa oo bogaadisay adeegsiga muqaalka ku celiska ah

iftineducation.com – Hogaamiyaha Fifa Gianni Infantino ayaa sheegay in “taariikh kubadeed” la sameeyay kaddib markii garsoore uu ciyaar caalami ah u adeegsaday muuqaal ku celis ah markii u horaysay si shakiga looga saaro dhacdo rigoore looga shakiyay.
Ciyaartaas ayaa ahayd middii saaxiibtinimo ee Faransiisku ay 3-1 kaga adkaadeen xulka Talyaaniga.
Muuqaalka ku celiska ah ayaa la adeegsaday markii Talyaanigu ay dalbadeen in rigoore loo dhigo kaddib markii ay u ekaatay in uu gacanta si ula kac ah kubadda ugu dhuftay Layvin Kurzawa oo difaaca ka dheela.
Garsoore Bjorn Kuipers ayaa ciyaarta joojiyay markaas ayaana TV ga si kucelis ah looga daawaday sida ay wax u dhaceen, waxaana markaas kaddib la go’aamiyay in aysan rigoore ahayn.
Infantino ayaa rajaynaya in tiknoolajiyaddan loo adeegsan doono Ciyaaraha Adduunka ee Ruushka lagu qabanayo sanadka 2018-ka.
Tijaabooyin hore ayaa ka dhacay United Soccer League-ga dalka Maraykanka, waxaana sidoo kale laga tijaabin doonaa lix dal oo kale labada sano ee soo socota, dalalkaasna waxaa ka mid noqon doona Talyaaniga iyo Jermalka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *