Uncategorized

Doorashada Madaxweynaha oo laga yaabo inay dib uga dhacdo waqtigii loogu tala galay

iftineducation.com – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigayo waqtigii loo qabtay doorashada Madaxweynaha ee qorshuhu ahaa inay dhacdo 30-ka October.


Ilo ku dhow dhow Guddiga Doorashooyinka ayaa u xaqiijiyay Heegan24.net in arrimo farsamo awgeed laga yaabo inay dib uga dhacdo doorashada Madaxweynaha.


Wararka ayaa intaa ku daraya inay u badan tahay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha 15-maalmood illaa 30 maalmood.


Guddiga Doorashooyinka dadban oo xalay soo saaray war saxaafadeed ayaa muujinayay in aanay doorashada waqtigii loogu tala galay aanay ku dhici karin, sababo ku aadan caqabado isugu jira mid siyaasadeed, amni, maamulida miisaaniyada iyo odayaasha oo aan wali soo dhameystirin liiska ergooyinka.


Qaar ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa horay shaki u geliyay in waqtiga doorashada inay dib uga dhacdo waqtigeedii, isla markaana loo sii seeta-dheereeyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.


Guddiga doorashada ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu ku dhawaaqo dib u dhista doorashada qaab farsamo ahaan.


Si kastaba ha ahaatee hadii mar kale doorashada dib u dhacdo, waxay noqoneysaa markii labaad oo doorashada waqtigeedii ay dib uga dhacdo, iyadoo 10-kii bishan oo markii hore aheyd waqtiga ku asteysneyd inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay illaa 30-October.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *