Uncategorized

Arrimo siyaasadeed oo sabab u ahaa joojinta qaadka

iftineducation.com – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamal Xasan ayaa BBC-da u sheegay in mamnuucidda qaadka Kenya ay la xiriirto hadal dhawaan laga soo xigtay guddoomiyaha deegaanka qaadka laga beero ee Meru, Peter Munyi.
Masuulkaasi ayaa booqday magaalada Hargeysa ee Somaliland, bishii July ee sanadkan, si uu qaadka suuq ugu raadiyo.
Peter Munya ayaa Hargeysa u tagay si uu maamulka Somaliland ugu qanciyo in qaadka Kenya la suuq geeyo.
Bartiisa Facebook-ga ayuu ku soo qoray in taas badalkeeda uu u ololeyn doono in Kenya ay aqoonsato Somaliland.
Arrintaas ayaa ka careysiisay dawaladda Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamal Xasan, ayaa sheegay in cadaadis dhinaca siyaasadda ah ay arrintaasi keentay taasoo dowladda ku qasabtay in ay joojiso ganacsiga qaadka Kenya.
Waxa uu sheegay in Mr. Munya uu faraha la galay siyaasadda iyo arrimaha midnimada Soomaaliya.
Waxa uu intaasi ku daray in cabashadaasi ay u gudbiyeen dawladda Kenya, walina ay socdaan wadahadallo.
Isniintii aan ka soo gudubnay ayay dawladda Soomaaliya ku dhowaaqday in ay joojisay dhammaan duullimaadyada qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.
Somaliland ayuu qaadka uga yimaadaa dhinaca Itoobiya, dhulka ayuuna soo maraa, balse magaalada Laascanood waxaa maalin kasta ku dagta diyaarad sida qaad oo ka duusha Kenya.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *