Uncategorized

5-Waxyaabood Oo Saameyn Leh Ayaan Ku Aragnay Goos Gooska Filimka Ae Dil Hai Mushkil!

iftineducation.com – Director Karan Johar su’aal ayuu qof walbo maankiisa kaga tagay ee daawaday goos gooska filimka Ae Dil Hai Mushkil ee ah jaceyl sedex geesood ah.


Hadaba Karan Johar daawadayaasha dhadhanka filimkiisa ayuu tusay laakiin meel dhexe ayuu ku jaray waana sababta haatan meel walbo looga dooday sheekada rasmiga ah ee ilimka Ae Dil Hai Mushkil inkastoo jaceyl inuu yahay la wada og yahay.



Waxaan idiin heynaa 5-waxyaabood oo saameyn xoog leh oo aan ka qabanay goos gooska Filimka Ae Dil Hai Mushkil oo laga fahmi karo fariinta filimkaan sida ay u socoto:


Ranbir Iyo Aish Jaceylka Qiirada Badan Ee Dhex Maraayo: In badan waxaa goos gooska Ae Dil Hai Mushkil lagu muujiyay jaceylka qiirada badan ee Ranbir iyo Aish dhex maraayo.


Ae Dil Hai Mushkil dhinaca murugada waxaa wada qaybsadeen RK iyo Aish madaama ay isku soo dhawaanayan ayagoo aad nolosha ugu kala duwan.


Ranbir Kapoor, Aishwarya Rai Bachchan, Anushka Sharma, Karan Johar


Aish waa haweenay la furay noloshana kali ku ah halka RK isagana jaceylkiia kowaad Anushka uu waayay sida darteed labadii qalbiga ka dhaawacnaa ayaa wax isku darnayaan.


Ranbir Iyo Anushka Farxada Iyo Murugta Dhex Taalo: RK iyo Anushka waa labo saaxiibo ah oo aan waxba iska qarsanin sidoo kalena aad isku fahansan.


Anushka wax walbo saaxiibtinimada ayaa kala weyn laakiin qalbigiisa waxaa si fuduu u xadaayo DJ-ga soo jiidashada badan Fawad Khan.






Ranbir nolosha Anushka wuu isaga baxaa marka uu arko inay rabto guurka Fawad Khan wuxuuna sameynaa tanaasul weyn!


Anushka, Aish iyo Ranbir Oo Dib Isugu Soo Noqonayaan: Anushka kuma qanacsano inay Fawad nolosha la wadaagto waxaana qalbigeeda ka go’i weesay farxadii Ranbir ka heli jirtay.


Laakiin dib uma soo ceshan karto Ranbir madama uu farxad iyo kalsooni jaceyl masuulnimo ku dhehan uu ka helay Aishwarya Rai!






Ranbir marwalbo waa dhibane waayo Aishwara Rai xiriirka uu la wado ma rabto inuu miro dhal noqdo ama uu guursado wax walbana sahal ayay kaga dhigan yihiin.


Ranbir Maxaa U Dambeyn Doono?


Ranbir meelna ma heesto waayo Anushka waxaa yeeshay Fawad, isagana Aish nolosheeda waxba kuma heesto sidaa darteed sheekada wuxuu Karan Johar kaga adkeeyay sida loo fahmi doono nolosha 4-qof ee isku lifaaqan sida ay u kala bixi lahaayeen.






Weliba goos gooska dhamaadkiisa waxaa ku jirto Ranbir oo farta dhexe ku taagayo Anushka Sharma oo guur isku diyaarisay!






Sidoo kalena waxaa jirto muuqaal kale Anushka oo marwo ah hadana gacanteeda maagaca Ranbir ku qoran yahay!


Aishwarya Rai waa haweenay horey nolosha ugu soo fashilmatay tolow ninkeedii hore maka geeriyooday, mise waa la furay!


Fawad Khan Waa Jawaabta Filimka Ae Dil Hai Mushkil Hal Xiraalihiisa:


Fawad Khan waa furaha filimka Ae Dil Hai Mushkil isaga ayaana go’aamin doono waxa aan wada sugeyno inaan ogaano………………………………………….






Fadlan Markale Hoos Ka Daawo Goos Gooska Filimka Ae Dil Hai Mushkil:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *