Uncategorized

WAR DEG DEG: Qarax culus oo afaafka hore ee Madaxtooyada lagu weeraray..

iftineducation.com – Qaraxaan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Afaafka hore ee Madaxtooyada Somaliya.
Koontaroolka Koowaad ee laga galo Madaxtooyada Somaliya ayaa lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo aad jugtiisa Muqdisho looga maqlay.
Gaarigaan oo aanan la ogeyn nooca uu yahay, ayaa waxaa qaraxa xoogiisa laga maqlay Degmooyinka Muqdisho, waxaana la arkaayay qiiq iyo Uuro cirka isku shareertay.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay Qaraxaan oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka koowaad ee Madaxtooyada iyo dad kale oo wadada maraayay.
Hotelka Siyad iyo Hotelka SYL ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan oo ka dhashay qaraxa xoogiisa laga maqlay Magaalada Muqdisho.
Qaraxa kadib rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada Dowladda ayaa xigtay, hada waxaa goobta ku sugan ciidamada Dowladda oo Nabad Suggid, Boolis iyo Millateri isugu jira.
la soco warkaan wixii ku soo kordha


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *