Uncategorized

Ruushka oo bilaabay inuu adeegsado Garoomada diyaarada ee dalka IRAN

iftineducation.com – Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay in markii ugu horeysay ay diyaaradaheeda Militariga adeegsadeen Airport militari oo ku yaal IRAN si ay markaasi u duqeeyaan qeybo kamid ah wadanka Siiriya.


Iskaashiga cusub ee IRAN iyo Ruushka ee ku aadan duqeynta dalka Siiriya ayaa kusoo beegamaya xili ciidamada Dowlada Bashaar Al Assad ee Siiriya ay culeys weyn kala kulmeen xoogaga mucaaridka ee ka dagaalamaya waqooyiga wadankaasi.


Kooxaha Nusra Front iyo mucaaridka kale ee hubeysan ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku guuleystay in ay ciidamada dowlada Bashar ay dib uga riixaan goobo muhiim ah oo kamid ah magaalada labaad ee Aleppo oo dhawaan ay ciidamada Dowlada Siiriya ay go’adoon geliyeen.


Xoogaga mucaaridka ayaa sidoo kale dar-dargeliyey saaray weerarada ay la beegsanayaan gobalka xeebta saaran ee Latakiya oo ku yaal galbeedka Siirya, halkaasi oo ay ku yaalaan airportyada militari oo uu Ruushka adeegsan jiray iyo waliba saldhiyada ciidamada Bada ee Ruushka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *