Uncategorized

Qisadii Cilmi Boodhari Iyo Hodan Cabdule Qaybtii Ugu Xiisaha Badnayd Ee Inta Badan Lamaanayaasha Somalidu Soo Wada Akhristeen…Dareen Gaar Ah Wadata HALKAN KA AKHRISO

iftineducation.com – Qisadii Cilmi Boodhari Iyo Hodan Cabdule Qaybtii Ugu Xiisaha Badnayd Ee Inta Badan Lamaanayaasha Somalidu Soo Wada Akhristeen…Dareen Gaar Ah Wadata HALKAN KA AKHRISO


Cilmi Boodhari ama sida uu yahay magaciisa oo buuxa Calmi Ismaaciil Liibaan, dad badankiisu waxay ku yaqaaniin qisada jacaylkii dhexmaray
isaga iyo Hodan Cabdulle Walanwal. Run ahaatii, inkasta oo ay jirto in Cilmi caashaqa iyo jacaylka
dhabta ah uu ku caan baxay, hadda dhinaca suugaanta afka soomaaliga wax weyn buu ku soo
kordhiyay, waxaana uu ku leeyahay suugaan maqaam culus leh oo ka mid ah oo ma hadhooyin iyo
halhaysyo badan ku reebay dadka soomaaliyeed, islamarkaasna gundhig iyo raadraac u noqoday
qof kasta oo dereenka jacaylku iyo waayihiisu ay la soo dersaan. Midda kale, waxay suugaantiisu sumad
u tahay iyo halbeeg dhaqanka soomaalida, waxaana laga dhex milicsan karaa marxaladdaha kala duwan
ee uu dhaqanku soo maray, laga bilaabo wakhtiyadaas uu Cilmi noolaa iyo xilligan aynu hadda joogno, inta uu leeg yahay isbedlka dhacay.



Dadkii wakhtigaas Cilmi noolaa oo ku beegan 1920-1940:aadkii, wax badan ayaa gabayada Cilmi Boodhari innaga tusayaan, gaar ahaan
fikirkooda iyo qaabka ay u arkayeen jacayl iyo waxyaabaha la xidhiidha. Qisadan Cilmi iyo Hodan, dadku waxay uga sheekeeyaan siyaabo
kala duwan. Dad baa qaba in Cilmi aanay wax badan oo xidhiidh ah lahayn Hodan oo uu hal mar uu
arkay oo ay Foornadii Roodhida ee uu ka shaqeyn jiray ugu soo gashay, laakiin anigu, kedib, markii aan milicsaday suugaantiisa, islamrkaasna
aan u dhuuxay si mug leh, waxay suugaantani i geyaysiisay, in ninka waxan oo gabay
ah laabtiisa ka soo xaadhayaa, aanu been ku hadlay, ee arrimaha uu sifaynayo iyo humaagan
uu bixinayo ay yihiin qaar wax ku ool ah oo uu u
soo joogay, lana soo dersay. Waxaan odhan karaa: Soomaalidu been way sheegtaa, laakiin been ma gabaydo! Bal haddaba, aynu dhex marno
hawlaha iyo hadimooyinka uu Cilmi tirsaday ee kala soo gudboonaaday dhinaca jacayl uu u
qaaday Hodan Cabdulle iyo silsiladda taxannaha ahayd ee taariikh nololleedka Cilmi oo kulli,
mid kasta oo u soo bandhigaaba, sababta gabayga uu u tiriyay iyo xaaladda ku hareeraysnayd
ee uu ka cabanayo, aynu si muraad oo kale ah humaag aan mugdi badan lahyn iyo muuqaal
is fasiraya u soo bandhigayay: Cilmi Boodhari wuxuu ahaa wiil ka dhashay reer sabool ah
oo reer miyi ah, sidaas awgeed, ayuu isaga oo da’ yar uga soo baqoolay dhinaca miyiga oo uu u soo galay benderka iyo magaalo, si uu uga shaqeysto. Nasiib
wanaag Waxaa uu deggey magaalada marsada ah ee Berbera oo markaas aad u camirnayd, ahaydna magaallooyinka Somaliland oo markaas loo
yaqaanay (British Somaliland protectorate) magaalada ugu camiran. Cilmi waxaa uu shaqo ka helay foorno lagu dubo roodhida. Halkaasi ayay Hodanna ka iibsan jirtay Roodhida. Iyada oo iyana ka dhalatay reer marka la eeego soomaalida
wakhtigaas joogtay reer ladan ahaa. Caashaq baa uu Cilmi Boodhari la bukooday. Culays baana saaramay
kedib markii uu muddo dareen jacaylka dhex dabaashay, waxaa ku batay xanuun ka dhashay rabitaan xad dhaaf ah ee uu u qabay Hodan.
Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen Cilmi. Hodan reerkoodii aad bay uga xeyraameen,
waxayna ku mareen dhaar in aanay xidhiidh la yeelan Karin ninkaas, ay sheegayso ee Cilmi layidhaahdo, kedib markay ka warheleen qisada jacaylka ee uu ku
andacoonayo Cilmi in uu u qabo Hodan, waa sida ay hadalka u dhigeen. Iyagu waxayna ahayd sababta
ay u cuskadeen, inuu yahay Cilmi wiil yar oo foorno roodhi ah ka shaqeeya, oo aan kufkeedaba
ahayn, una qalmi inay isku quudho. Islamarkaasna ka dhashay reer sabool ah. Cilmi waxay u
sheegtay Hodan in xaajadu adag tahay oo aanay suurtogal ahayn in ay is guursadaa. Muddo kaddib
Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay: Nimanyahow! dharaar iyo habeen, waan dhadhabayaaye Dhulkuun baan xariiqaa, siday dhiilo i timiye Sidii qaalin dhugatoobayoo, geeli laga reebay Dhallinyaro ma raacee keligay baan, dhaxanta meeraaye Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii, dhawac weyn qaba eIyana waa igu dheeldheeleyaan, dhamacda Daa’uude!


Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda
magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday
nin iska aammusan. Xilligaas geyiga Soomaalidu
degto lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga
maqlo “Caashaq baa i haya“. Qofka caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay.
Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu geeyay habar jiinniga dadka ka cuudisa, oo dad badan
daaweysay. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa haddana loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad
u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon mid Cilmi ku bogsado. Nin
wedkiis galay looma taag helo! Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey
gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:
Caashaqa haween, waa horaa Caadil soo rogaye Sayidkii carshiga fuulay iyo, Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen meesha iyo, ciise nabigiiye Cidla’ lagama Beermeen dadko,o cuuddi waaxida e Waxa qaarba cayn looga dhigay, hays cajabiyeene Soomaalida caado xune, iguma Caydeene Oo ima canaanateen sidaan, cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalayey baan, camal tusaalayne Sida weelka caanaha, hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa, cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxa kale dhex geli, cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jabinayaa, cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan, calalsho lay diidye
Caqliga yaa ka biin tuu Illaah, ku cir-caddeeyey
Cimrigayga oon jirin, intii lagu cirroobaayey
Mugga inaan caddaadaan ka biqi, canab daraadedA
Cududuhu ma naaxaan qofkay, talo ku ciirtaaye
Casharkay wadaadu qoreen, cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay, oo waayey cilinkiiye
Jeeroonse canabeey ku helo, caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon, caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo, kugu cirrooloobay
Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna
kula kulmeen Hodan habeenkaas, waxaan ciyaartii iyo boodadii uu ku qaaday hees ciyaareed
oo ku muujinayay farxadda uu habeenkaas qabay:
Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam, hoobalow heeleey Gaadama galooleeyeey sidirigam,
hoobalow heeleey Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam, hoobalow heeleey Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam, hoobalow heeleey Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam, hoobalow heeleey
Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni
ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynaayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad
doonaayo, hablaha oo dhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay
islaan eeddadeed ah, oo aan marnaba ka aqbalayn Cilmi iyo sheekadiisa tooona. Islamarkaasna
waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu ay talo
ahaan qoyskoodu ka go’aamiyaan, iyaduna aanay ka gudbi karayn, wax kasta oo ay iyagu ugu soo
taliyaanna ay ku qasban tahay in ay aqbasho. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu Boodhari wuxuu
yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda iyo qaayaheeda:
Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ka soo jeeda qabiil
ahaan. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen, arrinkii hanaqaad ma noqon,
maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada
xigaalkiis midna ku jirin bay ku xidheen, oo iska xujo uun ah. Dhowr bilood kadib bay hablo
reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi iyo sida loo galay, ayaa waxay u soo jeediyeen Cilmi inuu Hodan iskaga hadho, oo mid kale oo ka qurux badan bay u hayaane uu tuu ka doorto, midda ay noqotaba, ay go’aan ku soo gaadheen inuu Cilmi la aqal galo, guursadana. Sidaasna uu ku illoobo Hodantan waashay. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan: Hadday ili wax qabanaysoo, lagu qaboobaayo Ama qurux la daawado, mar uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo, qaararkii Hodane
Wax badan baan qumaati u hubsaday, qalanjo
Naagoode Idinkuna halkii i qoomanayd, baad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad, qac iga siiseene Qarqarada gacmaa iyo jidhkuba way qarraqayaane Qosolkaa yaryari waa, waxaa nagu qaldaysaane Inaan eebahay idin qatalin, qariya laabtiina.
Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii, oo ka dhiidhiyay sida Cilmi loola isticmaalay, ayaa waxay ku tashadeen inay tillaabo ka qaadaan arrinka Cilmi ee dunidii oo dhan ku baahay, ceebtana u soo jeeday inankoodii Cilmi, waa sida ay iyagu u arkayeene, waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan xaggeeda, ayna u soo duwaan dhinaca hablo kale oo ay ilma abti yihiin Cilmi Boodhari, oo ka qiimo iyo qaayo weyn Hodan, waa sida ay iyagu u arkayeene, oo deeggaanka Oodweyne ka tirsan. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:
Marka horeba anigaa sahwiyey, Ina-Adeeroowe
Ooduba xigtay leedihiyo, ubaxa geedaaye
Abtiyaaladay baa ii ekaa, inaan adeecaaye
Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa, Ereg maxaa
Geeyey Qaar hooyaday u eedo tahoo, aada baa jira’e Allahayoow afkaygiyo sidaan, aadmiga u eeday
Amadariyo Oodweyne, way omos badnaayeene
aagaamo haddii loogu shubo, ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi laa, erayadaydiiye
Allahayow afkaygiyo sideen, aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo, ninkii iilka jiifsadaye
Wixii kaa adkaadaaba, waa aakhiroo kale’e
Waa laygu eemaray, cishqiga inaan ku ooyaaye
Allahayow afkaygiyo sidaan, aadmiga u eeday
Ahabtaba ma galo ruux hadduu, aamin-goys
Yahaye Axdigaad ka booddaa janada, oodda kaa rogaye Adigiyo ashahaadaduna, waysku Alla seegtaane Ha u qoonsan aakhiro, waxaad urursataa yaale. Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay Cilmi u sheegtay inuu ka faa’iideysto oo la kulmo Hodan, oo ay u sheegtay inay Hodan ku martiqaaday gurigeeda, oo ay Hodan imanayso wakhtiga duhurka.
Cilmi aad buu ugu farxay hadalkaas, laakiin intii
uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan ayuu
lulooday. Ninkii seexdaa baa sicii dibi dhalaaye!
Cilmi markii uu gartay wixii dhacay, dhulka ayaa
la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay.
Ciil waxaa buuxsamay cunaha. Indho buurbuuran
mooye far dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii
maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay
nin nasiib xun oo gabadhii uu calmaday hanan
kari waayay. Kadibna waxaa uu tiriyay gabaygan:
Hadhka galay hurdadu way xuntee, hohey maxay
Seexshey Muusow hungoobaye maxaa, hodan i weydaarshey Hoygi ay joogtiyo maxaa, hilinkii ii diidey
Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid
ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi
laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana
geeyo magaalada Burco, si uu waabayda jacalka
ee saaqday uga soo bogsoodo. Cilmi inkastoo ka
cudurdaartay safarka, haddana wuu ka yeelay.
Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro
maqashiisnayd inuu dibindaabyo caashaq
oo dareenka jacayl la buhulyoobay in muddo
ah, dhinacna uu dhulka ku hayey. Muddo kaddib
Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo.
Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto
ama ay soo hadal qaadaan ayuu tash qabsan jirey:
Sidii geel harraadoo, wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyoo, kureygu heegaayo
Oo hoobey loo qaaday, iyo hadal Walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba, waan soo hinqanayaaye Hadday hawl yaraan idin la tahay, aniga way hooge Ayadoon xabaal lagu ham siin, waanan ka hadhayne Hammada beena baan idhi, malaha waad la hurudaaye
Hareertayda oo madhan is idhi, haabo gacanteeda
Goortaan hubsaday meel cidla ah, inaan ku
Hawshooday Hogaansigeedii dambaan, soo habaabiraye U haylhaylay gogoshii, sidii halablihii Aare Siday iga haleeyeen maryihii, hiifay oo tumaye
Haab-haabtay labadii go’oo, shaadhkii maan
Heline U hamiyey sidii wiil la dhacay, kadin ay haysteene U handaday sidii geel biyaha, hoobay loo yidhiye U hagoogtay sidii geesi, ay niman ka hiisheene U hiqleeyey sida naag la yidhi, huray dalaaqdaaye Wax aanad haynin ood ku hammidaa, hadimo weeyaane
Ho-heey iyo Ho-heey, maxaa hadimo la ii geystey
Reer Burco, sidaas uu ka cawday Cilmi may aqbalin,
ee kulba dhinac kale ayay kaga soo wareegaan, bal
si ay Cilmi u illoowsiiyaan Hodan iyo jacaylkeeda,
oo uu iskaga hadho, hase yeeshee Cilmi arrin kasta
oo ay u keenaan iyo kaftan kasta oo ay hor dhigaanba, waxaa uun uu kaga jawaabayay gabay kale iyo suugaan ma hadho reebta. Bal kanna aynu eegno: Nimanyow dabuub gabay, beryahan kuma danuukhayne Kolba aniga oo daayey, baad igu diraysaane . Idin diidi maayee waxaan, dood u celin waayey. Mid duushoo yar baa, Eebahay iigu daw galayey . Aqal daahyo weyn derged iyo, daar middaan galaba. Dalaalimo habeenkii haddaan, meel dudo ah seexdo.
Dayax iiga muuqdheer, midduu duunku caashaqaye.Iga daaya hadal qaadkeedu, waa iiga darayaaye .
Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow
ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi,
haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay.
Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi:
“Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan
ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u
jeclahay!” Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka
mid ahayd tixda soo socota:
Inaadeer hagaagtaye, haddaad hilinka sii qaadid.
Hataq iyo Illaah kuguma rido, hogobihii Sheekhe.
Mid hubsiimo badan baad tahoo, halo la siiyaaye .
Adigaan halyeey kuu gartiyo, horintii Daa’uude .
Hillaac baa Berbera iiga baxay, Hodan agteediiye.
Hurdadana habeenkii ma ledo, hadiyo waagiiye .
Sida hoorimaad baa qalbigu, ii hanqanayaaye .
Waa lay horjoogaa sidii, horudhacdii geele.



Inaan haybiskeed dhigay, hadday Hodan i moodeyso. Gabdho kale oo aan haasaawiyaa, wayga haniyaade. Haddaan hadyad caano ugu diro, hooh lidaa gubiye . Maxaan kula hagaagaa yartu, way hanweyn tahaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *