Uncategorized

Qaamuuska carabiga iyo soomaaliga alkaashif

iftineducation.com – Qaamuuska carabiga iyo soomaaliga alkaashif


Qaamuuskan waa midka ugu horreeyay laga qoro afka carabiga iyo afka soomaaliga, qaamuuska waxaa la qoray 2006 waxaana la daabacay 2009, waxaa qoray qof hadda macallin ka ah jaamacadda qaahira ee dalka masar waxaa lagu magacaabaa muumin yuusuf caalim, waa nin wax ka bartay dalka masar.


qaamuuskan waxaa loogu talaggalay dadka fiqhiga baranaya iyo diinta sidoo kale wuu anfacayaa dadka raba inay carabiga bartaan, hadda meel kasta ayuu gaaray qaamuuska carabiga iyo soomaaliga, runtii dad badan ayaa aamay oo ku faxay dunida meel kastoo ay ku nool yihiin, iyagoo aad uga farxay sida uu u qoran yahay oo sahlan iyo lahajaadka soomaalida dhan ayaa laga helayaa, waqooyi iyo koonfurba sidoo kale ereyga carabiga wuxuu siinayaa macne badan oo soomaali ah, qaamuuska al-kaashif kama maarno nin kastoo arday ah oo raba inuu helo aqoon ku filan oo la xiriirta afka carabiga iyo diinta.


waxaa gatay qaamuuskan maktabada dalka Sweden iyo dalka Norway sidoo kale meelo badan ayaa laga helayaa qaamuuskan.


barashada afka carabiga haddii aad u kulushahay qaamuska alkaashif ka baro aad baad uga faa’idaysaa qofka u baahan inuu carabiga barto u sheeg gaarsii.


guud ahaan afka carabiga waa af aad loo jecel yahay maxaa yeelay diinta ayaa ku soo degtay nabigeena suubanaa ilaahay korkiisa ha yeelee naxariis iyo nabadgelyo wuxuu ku hadli jiray afka carabga axaadiista waxay ku qoran yihiin afka carbeed, diintaan ma baran karo qofaan fahmin afkan, marka qofka muslin waxaa lagamaarmaan  inuu barto carabi, si uu u noqdo qof fahmikara kutubta islaamka gaar ahaan tafsiirka xadiiska iyo fiqiga siirada, qaybaha ugu muhimsan dhaxalka islaamka, sidaas ayuu ku noqon karaa qof dantiisa saxa ah gaaraya.


Sidee baan ku fahmi karaa diinta?
su’aashan dad badan ayaa isweydiiya sidee baan ku baran karaa  diinta jawaabta way fududhay baro afka carabiga iyo naxwaha carbeed markaas jid ayaa kuu furmaya oo aad ku gaari karto heer sare xagga aqoonta diinta.



qaamuuskan carabiga iyo soomaaliga wuxuu ka mid yahay waxyaalaha sahal kaaga dhigaya arintaas.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *