Uncategorized

Nin mindi ku hubeysnaa oo hal qof ku dilay Magaalada London, halka lix kalana uu ku dhaawacay (Daawo Sawirada)..

iftineducation.com – Ugu yaraan hal qof, ayaa dhintay, halka lix kalana ay dhaawacmeen, ka dib markii nin mindi ku hubeysnaa uu xalay ku weeraray Bartamaha Magaalada London.




Ninkaan, ayaa dadkaasi ku weeraray Fagaaraha Russell Square, iyadoo uu dilay haweeney, lix kalana waxay boolisku xaqiijiyeen in uu mindida ku dhaawacay.




Ciidamada ammaanka, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi oo xilligaan lagu haayo isbitaal ku yaala Magaalada London, ka dib markii ay Ciidamada Boolisku dhaawaceen.




Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaaya waxa uu yahay ninkaasi, balse boolisku waxay sheegeen inuu yahay 19 jir la tacaalaayay xanuunka maskaxda.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *