Uncategorized

Muuqaal: Gabadh ka timid Hargeisa oo Khudbad ka jeedisay Muqdisho, Iyadoo La ilmaysay Calanka Somalia

iftineducation.com – Muuqaal: Gabadh ka timid Hargeisa oo Khudbad ka jeedisay Muqdisho, Iyadoo La ilmaysay Calanka Somalia


Naciima Abwaan Axmed Qorane oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo ka timid magaalada Hargeisa, ayaa Muqdishu uga Qayb gashay Munaasibada lagu soo bandhigayey Buugaagta, ayaa Waxay Madasha ka Jeedisay Khudbad Taabatay Dareenka Bulshada Soomaaliyeed.


Naciima ayaa waxay sheegtay inay ku garaadsatay Burburkii dalka, Waxayna sheegtay in Dawladii madaxwayne Siyaad Barre ay dheefteeda iyo dhibkeeda lahayd, waxayna sheegtay in Soomalidu ay ku xun tahay in hadii Kun-sano aad Xambaarsanaato, oo maalin ay kaa dhacdo, ay Xasuusan doonaan Halkaasi maalin.


Waxay sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah dadkii Dumiyey Dawladii dhexe ee Soomaaliya qaar ka mid ah Xiligan ay doonayaan, Inay Gobolo ku hor ootaan shacabka Soomaaliyeed oo Caadifad ay ku Beeraan.

Ugu danbayntii waxay sheegtay inay in badan Raadin ugu Jirtay Calan Soomaaliyeed, si Karaamo iyo Sharaf ugu Noolaato, waxayna sheegtay in Nasiib xumo ay ku dhacday, Iyadoo Ilmaysay Markaa kadib.




HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA NACIIMO IYO HADALKA AY JEEDISAY 





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *