Uncategorized

Minnesota: Gabar HIV qaadsiisay 15 dhalinyaro Soomaali ah

iftineducation.com – Wargeyska startribune ee kasoo baxa Minnesota, ayaa daabacay in Gabadh Somali ah oo la yiraahdo Barni Mohamed khaliif oo degan gobolka Minnesota ay 15 Dhalinyaro Soomaali ah qaadsiisay Viruska HIV.


Startribune, ayaa sidoo kale daabacay in gabadhaan hada kahor Booliska Minnesota ay xabsiga dhigeen, waxaana magaca ay Ameerika ku joogto uu yahay Fadumo Farah waxayna  ka mid ahayd dhalinyaro Somali ah oo rag iyo dumar leh oo mudo hada laga joogo 6 Sano lagu soo eedeeyey inay ka ganacsadaan  jiraka gabdhaha yar yar, kuwaasoo xabsiga loo taxaabay




Gabadhaan ayaa sidaad aragtaan sawiradeeda waxaa ku jira mid ka mid ah markii lagu qabtay inay gabdhaha yar yar jidhkooda ka ganacsan jirtay sawirkaan oo looga qaaday xabsiga dhexdiisa.




Sida uu wargeyska startribune qoray Faaduma ayaa mudaday xabsiga ku jirtay ka mid noqotay dumarka wax ka daya dumarka kale iyadoo naag madow ah ay xabsiga isku dhex qabeen oo lesbian ah hase yeeshee barni ayaa markay xabsiga ka soo baxday uu ku dhacay xanuunka halista ah ee AIDS kaasoo ay si ula kac ah u qaadsiisay dhalinyaradan somaliyeed iyadoo markay dhakhaatiirtu ogaadeen loo jaray warqad in la soo qabto xabsigana loo taxaabo barni oo hada ku jirta gacanta Policeka ayaa waaxda cadaalada ee gobolka Minnesota ku soo oogtay inay si ula kac ah u galaafatay nolosha 15 qof oo dhalinyaro ah taasoo ay ku mudan karto xabsi inta nolosheeda ka harsan.




Dhanka kale somalida degan gobolka Minnesota ayaa arintaan aad uga naxay iyagoo dhalinyaro badani dhakhtarada ku yaaceen si ay xanuunkaa isaga baadhaan.


saxaafada gobolka Minnesota ayaa faafiyey sawirada gabadhaan waxay 50 state ee maraykanka ka codsadeen in qofkii gabadhaan yaqaana ee wax dhex mareen is baaro sababta ay saxaafadu arintaan ay u sameysay ayaa ah iyadoo la ogaaday inay gobolo badan isku martay oo dalka maraykanka ah gabadhaan somaliyeed.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *