Uncategorized

Maryan Nuux Muuse oo orodka somaliya u tartameysay ayaa gashay kalinta u danbeysay ee 57 aad daawo

iftineducation.com – Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daud Maxamed ayaa hore u gaaray magaalada Rio De jenerio oo ay ka socdaan ciyaaraha Olyompicada adduunka, iyadoo kulankooda ugu horeeya maanta la daawan doono.


Ma noqon doonto markii ugu horeysay ee Maryan matasho Calanka Soomaliya, iyadoo tartamo caalami ah uga qeyb gashay wadamada Kenya, Republic of Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia ,Shiinaha iyo dalal kale.


Gabadhhan  ayaa ka qeyb grli doonta tartanka 400 mitir ,waxaana ay aaminsan tahay in ay leedahay tayo ay ku guuleysan karto.


Maryan ayaa maanta kasoo muuqan doonta ciyaaraha ka socda Rio De jenerio, iyadoo wadata calanka Soomaliya, si ay tartanka Orodka 400-miter uga qeyb gasho.


Maxamed Daud Maxamed ayaa 17 Bishan isna Orodkiisa ku balansan, waxaana uu qiray in uusan wax cabsi ah dareemeyn hadda.


Riix Halkaan ka daawo Maryan Nuux Muuse oo orodka somaliya u tartameysay ayaa gashay kalinta u danbeysay ee 57 aad daawo


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *