Uncategorized

Magacyada xildhibaanada iyo wasiirada ku dhaawacmay qaraxa

iftineducation.com –  Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaraxii maanta ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo albaabka VIlla Somalia.


Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.


Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada weerarka ku dhaawacmay uu ka mid yihiin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Caasho Koos oo ku sugnaa Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.


Xildhibaan Jeesow ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac adag waxaana lasoo sheegayaa in iminka la geeyay mid kamid ah goobaha Caafimaadka.


Xildhibaan Daahir Amiin ayaa xiliga uu dhaawacmaayay ku sugnaa Hoteelka oo ay ka soctay Munaasabad, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray ilaa Seddex Xildhibaan oo aan iminka magacyadooda la shaacin.


Dadka dhaawacmay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan Wasiiro kuwaasi oo iyaguna la dhigay goobaha caafimaadka sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.


Xildhibaano farabadan ayaa iminka ku sugan isbitaalka Darushifa oo ay ku jiraan dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.


La soco wararkeena danbe wixii Qaraxa kusoo kordha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *