Uncategorized

Madaxweyne Erdogan oo Magaalada Istanbul ka Furay Buundada Ugu Dheer ee Dunida (VIDEO)

iftineducation.com – Madaxweyne Erdogan oo Magaalada Istanbul ka Furay Buundada Ugu Dheer ee Dunida (VIDEO)


Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa magaalada Istanbul ka furay Buundada ugu dheer ee Dunida, sheegayna in buundadani ay mushtamaca Turkiga ka caawindoonto isu socodka looga gudbayo marinka Bosphorus-ka.


Buundadan ayaa waxaa halmar isla mari karta Gawaari ku ordaysa 4 wado oo sii socod ah iyo afar wado oo soo socod ah iyo laba wado oo ay Tareenada isticmaalaan.



Qiimaha ku baxay Buundadan ayaa waxaa lagu sheegay lacag gaaraysa ilaa $ 3 Billon oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana loogu magacdaray Suldaankii 9-aad ee soomaray Boqortooyadii baaxadda weynayd ee Cusmaaniyiinta ee xarunta taliskoodu uu ku yaalay dalka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *