Uncategorized

Hemorrhoids ama baabasiir waa maxay maxaana keena

iftineducation.com – Waxaa inta badan dadka ay weydiiyaan baabasiirta, maxaa keena, su’aashan jawaabteeda way iska cadahay, marka la fahmo baabasiir waxa uu yahay, runtii baabasiirku waa nabro xanuun badan oo kuuskuusan ka soo baxo daloolka dabada afkeeda, aad bay u xanuunayaan qofka marka uu saxaroonayo, waxaa laga yaabaa inuu dhiig kaa soo daato, inta badan waxaa keena calool adayga iyo fadhiga badan iyo cayilka, 


waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso alool adayga kuu imaan kara, sidee lagu gartaa baabasiir inuu ku hayo, waxaa lagu garan karaa xanuun inaad dareento marka aad saxaroonaysid iyo dhiig saxarada soo raacayo, caloosha hoose inay kaa xanuunayso, nabro xanuun badan inay ka soo yaacaan boqa futada, malaga yaabaa galmada dabada inay keento? haa way dhici kartaa waayo marka uu galo bahalka daloolka wuxuu u gaysanayaa dhaawacyo daran, kuwaas ayaa  soo weynaanaya waxay noqnayaa bawaasiir, dadka cayilan ayuu ku badan yahay baabasiirka, sidee lagu daaweyn karaa? 


marka uu yahay bilow waa fudud yahay waxaa lagaa rabaa inaad cunto raashin caloosha jilciya, oona aad adeegsato kareemooyin la marinayo gadaal, siiba marka musqusha aad galayso, laakin haddii uu weynaado waa in la qalaa siiba marka dubraarta ay soo baxayso waqtiga aad xaaraysid


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *