Uncategorized

Hal-Qabsigii Iyo Xikmadihii Dadkii Hore

iftineducation.com – Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xooga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yirri.).


1- Qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan.


2- Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.


3- Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee mahan qofka oo ay cabsidu ka guurto.


4- Masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa la yiraahda ficil. La imow ficil si riyadaadu ay isugu rogto run.


5- Saaxiibka beenta ah wa sida harka oo kale, had iyo jeer wuu kula socda xilliga aad iftiinka ku jirtid lkn ma arkaysid xilliga aad mugdiga ku jirtid.


6- Intii hankaagu jiro ayey dadnimadaadu jirtaa.


7- Farxadu waxay kaa dhigaysaa mid wanagsan oo la jeclaysto, isku day inaad abidka faraxsanaatid.


8- Waligaa kuma noolaanaysid nolol farxad leh hadii ad ka walwalysid waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.


9- Qurux ma ahan in aad leedahay waji nuuraya lakiin waa in aad leedahay maskax qurxoon, wadne qurxoon iyo naf naf qurxoon.


10- In aad wax dhagaysato waa faaiido, in aad wax akhrisaa waa horumar balse in aan wax qortaa waa haybad.


11- Waqtigu wuxuu go’aamiyaa qofka aad la kulmayso nolosha, qalbigaagu wuxuu go’aamiyaa qofka aad rabto nolosha laakiin dabeecadaada iyo dhaqankaagu waxay go’aamiyaan qofka kula joogaya nolosha.


12- Hadii aad doonaysid in aad gaartid horumar aan macquul ahyn oo sare u fakar si aan loo fakarin.


13- Taariikhdaada iyo hab nololeedkaaga ayaa ka turjumaya qofka aad tahay, laakiin adiga ayaa ka masuul ah qofka aad noqon doontid mustaqbalka.


14- Waqtigu waa khayraadka noloshaada, waa khayraadka kaliya ee aad haysatid, waxaad go’aan ka gaari kartaa sida aad u bixinaysid khayraadkaas hubi halka aad ku bixinaysid iyo waliba sida aad u bixinaysid khayraadkaas.


15- Tuugu waa midka ku xada, dilaagu wuxuu laaya dadka, laakiin beenlow ma lahan jaho loo raaco.





Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *