Uncategorized

Gaas: Cali Khaliif Galeyr waxaa ku dhacay Cudurka Stockholm syndrome – VIDEO

iftineducation.com – Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu soo noqday magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa mar wax laga weydiiyey wadahadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in hogaamiyaha Khaatumo uu ku dhacay cudurka loo yaqaan Stockholm Syndrome.







Cudurkan Stockholm Syndrome ayaa lagu tilmaamaa marka qofka uu jeclaado ama taageero u muujiyo qof kale oo dhibaato xoogleh u geystay, 


waxaana la sheegaa inuu inta badan ku dhaco Dadka la qafaasho ama mudada dheer Afduubka lagu heysto oo aakhritaanka jaceyl u qaada qofkii afduubtay.




Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn maamulka uu sheegto Cali Khaliif Galeyr ee Khaatumo isla markaana uu filayo in cararkii badnaa ee Prof.Galeyr ay Somaliland meelo badan uga saartay uu ku keenay cudurkaasi, isagoona sheegay inay u duceyn doonaan inuu illaahay caafiyo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *