Uncategorized

Fatahaado Saameeyay Jawhar

iftineducation.com – Fatahaado Saameeyay Jawhar
Webiga Shabeelle ayaa biyo badan soo fatahay ayadoo roobabkii xilligaan la filaayay ay si wanaagsan uga hooreen nawaaxiga Jawhar.


Dadka ku dhaqan nawaaxiga Jawhar ayaa haatan ka cabsi qaba in fatahaada webi Shabeelle ay sii kororto maadaama roobabku weli da’ayaan.


Durba waxaa fatahaaduhu barakiciyeen dad badan oo dagganaa deegaanada BaarreyGumbi, Bayaxow, Liinta, Jahweyn iyo Libiga.


Daadad ayaa sidoo kale baabi’iyay dalagyo badan oo dad beeraley ah ay tacbadeen. Waxaa dalagyada kujira sisin, galley iyo qudaar.


Dadkii ka barakacay fatahaada webiga ayaa waxay haatan ku baaqayaan in lala soo gaaro gargaar baniaadminimo maadaama fatahaadu carqaladeysay maciishadoodii.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *