Uncategorized

Ethiopia oo u hanjabtay Siyaasiyiin Soomaali ah

iftineducation.com – Ethiopia oo u hanjabtay Siyaasiyiin Soomaali ah




Shir ka dhacay Gobolka Gedo oo u dhexeeyay Saraakiil ethiopian ah iyo maamulka Gobolka, ayaa waxaa digniin loogu diray Siyaasiyiinta Soomaalida ee kasoo horjeeda Siyaasada maamulka.


Shirka oo ahaa mid u janjeeray dhanka Siyaasada ayaa waxaa dhanka ethiopia uga qeybgalay Madaxa Siyaasadda Ciidanka ethiopia ee Gobolkaasi Col Doqolaay iyo Saraakiil kale oo dowlada ethiopia halkaasi uga qeybgalo.


Col Doqolaay ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cid waliba oo ka hor imaada siysaada maamulka Gedo, waxa uuna ballanqaaday in talaabo waliba aysan kala tashan doonin cid kale.


Col Doqolaay waxa uu ku goodiyay in cidii ka hor imaada maamulka ay ula dhaqmi doonaan sida ay ula dhaqmi lahaayen Al-shabaab.


Siyaasiyiinta loo digay ee ka soo horjeeda maamulka Gobolka Gedo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Luuq Bishaar Aadan Cabdikariin (Bishaar-Afjabey) iyo Siyaasiyiin kale oo ku sugan Gobolka Gedo.


Gobolka Gedo ayaa waxaa iminka ka shaqeysa awooda iyo amarka ciidamada ethiopia, waxaana maamulka halkaasi ka arimiya lagu tilmaamaa mid dhismihiisa ay leedahay dowlada ethiopia.


Geesta kale, Saraakiisha Ethiopian-ka ayaa u soo jeediyay shacabka iyo dhammaan siyaasiyiinta Gedo in ay la shaqeeyaan maamulka Gobolkaasi Gedo ee Cusub.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *