Uncategorized

Erdogan iyo Putin oo Moscow ku kulmay ( sirta erdogan iyo putin )

iftineducation.com – Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal kula yeelan doona magaalada Moscow  madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu dib u soo celiyo  xiriirka kala dhexeeya Russia.

Waa markii ugu horeysay oo Mr Erdogan uu dalka dibadiisa  aado tan iyo markii uu dhacay isku daygii afgambe ee fashilmay  bishii la soo dhaafay.

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday markii diyaarad militiri oo Ruushku leeyahay ay soo ay ku rideen xadka Suuriya militirga Turkiga bishii November ee sanadkii tagay.

Iyadoo xukuumadda Moscow ay ku jawaabtay cuna qabateyno dhanka dhaqaalaha ah oo ay ku soo rogtay dalka Turkiga waxaana kamid ahaa joojinta dalxiisiyaashii tagi jirey dalka  Turkiga.

Bishii Juun ayaa aqalka Kremelin-ka oo looga aramiyo dalka Ruushka waxaa uu sheegay in  madaxweynaha dalka Turkiga uu raaligelin ka bixiyay dhacdadaas isla markaana tacsi u direy ehelada duuliyeyaashii diyaaradaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka hor inta uusan soo amba bixin waxaa uu sheegay in Mr. Putin uu yahay saaxiib isla markaana uu doonayo in la furo bog cusub oo dhanka xiriirka labada wadan ka dhexeeya.

“Booqashadani waxaa ay iiga dhigan tahay calaamad muujinaysa xiriirka labada dhinac oo markale dib u bilaabanay,” ayuu yiri Erdogan oo la hadlay wakaaladda Tass.

Labada hogaamiye ayaa wadahadalkooda maanta waxaa ay diiradda ku saari doonaan soo celinta xiriirka dhanka ganacsiga iyo maalgashiga iyo dib u soo celinta dalxiiska.

Waxayna sidoo kale, isla soo qaadi doonaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka jirta dalka Suuriya, inkastoo labada dhinac ay ku kala duwan yihiin xaaladda dalka Suuriya.

Booqashada madaxweynaha Turkiga uu ku tagay dalka Russia waxaa ay imaanaysaa xilli Turkiga dhaleeceyn kala kulmay wadamada reer galbeedka talaabada uu ka qaaday dadkii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen isku daygii afgambi.

Iyadoo xiriirka Turkiga iyo wadamada reer galbeedka uu hadda yahay mid mad madow soo kala dhexgalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *